Caqabadaha haysta labada guddi ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalmo ka hor shaaciyay liiska guddiga farsamada ee doorashooyinka qaranka iyo guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashooyinka Soomaaliya.

Guddigaan ayaa maalmaha soo socdo billaabi doono shaqada waxaana laga sugayaa in ugu dambeyn 8-da bisha Febraayo, ay dhacdo doorashada Madaxweynaha maadaama ay maalintaas ku egtahay waqtiga Madaxweynaha Soomaaliya ee hadda talada haya.

Dr. Cusman Shariif oo kamid ah aqoonyahaanada Muqdisho ayaa sheegay in culeysyo badan ay wajihi doonaan guddigaan iyo xubnaha la shaqeeyo.

“Dhib badan ayey mari doonaan sababtoo ah waa dhalinyaro aan waligood maamulin doorasho waliba aan ka heysan faham badan waa dhibka 1-aad waxaase ka sii daran in meesha loo geeyay in ay ka shaqeeyaan dan shaqsi oo iyadana keeni karta dhibaato kale oo aan yareysan,” ayuu yiri Dr. Cusman Shariif oo la hadlay Caasimada Online.

“Caqabadaha kale waxaa kamid ah saameynta siyaasada oo mucaarad iyo muxaafid ah, faro gelin gudaha iyo dibada ah, beelaha iyo rabitaanka xil doonayaasha amaanka iyo dhaqaalaha ayaa qeyb ka ah dhibaatooyinka ka hor imaan kara,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Dr. Cusman Shariif oo ka faalooda arimaha siyaasada Soomaaliya.

Xubnaha guddiga doorashooyinka Qaranka iyo kuwa xalinta khilaafaadka doorashada ayaa u badan dhalinyaro aan waaya arag aheyn, inkastoo ay ku jiraan qaar badan oo aqoonyahaano ah.

Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya oo aad u adag ayaa keeni karta in guddiyadaan wajahaan daruufo adag oo doorasho.