Maleeshiyo hubeysan oo dil iyo dhaawac haween ugu geystay gobolka Galgaduud

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad hubeysan ay weerar ka geysteen gobolkaasi.

Weerarka oo ka dhacay duleedka deegaanka Xananbuure ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu qaaday haween xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa halkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in ugu yaraan labo haween ah ay ku dhaawacantay rasaasta ay fureen maleeshiyaadka, kuwaas oo loo soo qaaday magaalada Cadaado.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in markale maleeshiyada geysatay weerarkaasi ay wadada u gashay gaariga soo qaaday dhaawacyada, islamarkaana ay rasaaseeyeen, waxaana goobta ku geeriyootay mid ka mid ah haweenka dhaawaca ah iyo sidoo kale nin ka mid ah dadkii soo qaaday dhaawacyada oo la socday gaariga.

Maleeshiyada fulisay weerarkan ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana haatan socda baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka weerarkan ayaa salka ku hayo colaado u dhexeeyo beelo wada daga halkaasi.

Gobollada Galgaduud iyo Mudug oo dhaca bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro iyo dilal salka ku haya arrimo la xiriira aano Qabiil.