Caqabadda ka weyn nooca doorasho ee haysata Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga qabya-tirka dastuurka KMG ah ee dalka oo ka kooban labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta hor tegay xildhibaanada golaha shacabka ee barlamaanka Soomaaliya, waxayna ka hor akhriyeen warbixin ay soo diyaariyeen.

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah xubnaha guddigan ee ka kala tirsan labada Aqal ee baarlamaanka federaalka oo mudooyinkii dambe ku howlanaa qabya-tirka dastuurka dalka, iyagoo kaashanayey wasaaradda dastuurka iyo guddiga madaxa-bannaan ee dastuurka, golaha shacabka ka hor sheegay in la dayacay dastuurka dalka.

Senator Xuseen Sheekh waxa uu sheegay in dastuurka dalka ay caqabada ugu weyn ka heysato seddax dhinac oo waaweyn, kuwaas oo kala ah, xukuumadda, baarlamaanka federaalka iyo dowlad goboleedyada.

“Caqabadda koowaad ee heysata dastuurka waxay tahay cid rabta oo sida doorashada ugu dagaalameysa malahan, kasoo bilaaw xukuumadda, baarlamaanka iyo dowlad goboleedyadii oo qaarkoodba diiday in laga hadlo” ayuu yiri.

Sidoo kale Senator Xuseen waxa uu sheegay in 15-kii sano ee lasoo dhaafay lagu guul dareystay in xal loo helo maareynta arrimaha dastuurka, hatana aysan ififaalo muuqan hadii aan la helin hoggaan ugu dagaalama, “Sida doorashada loogu dagaalamayo.”

Ugu dambeyntii Senator Xuseen Sheekh ayaa baarlamaankan 10-aad kula taliyey inay is daba qabtaan oo ugu yaraan qodobada aan lagu muran saneyn ee dastuurka ay dhameystiraan.

Dastuurka dalka qabya-tirkiisa ayaa lagu waday in lasoo gaba-gabeeyo ka hor sanadkan 2020-ka, balse waxaa lagu andacooday in dib u dhac-weyn ku keenay xanuunka Coronavirus oo kiisas badan laga helay dalka.

Sidoo kale waxaa jiray khilaafka soo kala dhexgelay dowladda federaalka iyo maamul goboladedyada qaar, kaas oo kaalin weyn ka qaatay dib u dhaca ku yimid qabya tirka dastuurka KMG ah ee dalka.

Markii ay soo dhamaato qabya-tirka lagu wado dastuurka dalka ayaa lagu wadaa in ay meel mariyaan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, intaas ka dibna ay shacabka Soomaaliyeed afti u qaadaan.

Hoos ka Daawo Senator Xuseen