Xaaladda ajaaniib ku sugan Somaliland oo laga deyrinayo

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa laga deyrinayaa xaaladda nololeed ee Ajaaniib ku sugan deegaanada maamulka Somaliland, gaar ahaan magaallo xeebeedka Berbera, kuwaas oo ah kaluumeysato ka soo jeeda dalka Hindiya.

Ajaaniibtan oo tiradoodu gaareyso illaa sideed ayaa ku go’doonsan magaaladaasi, waxaana ay ka soo jeedaan is-maamulka Tamil Nadu ee wadanka Hindiya.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa la sheegay inay ku sugnaayeen xeebaha magaalada Berbera ee Somaliland.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in haatan ay la soo dariseen dhibaatooyin ay ka mid yihiin hoy la.aan, cunto la’aan, daryeel la’aan iyo xaalado kale oo ka dhashay cudurka Covid-19.

Kalluumeysatadaan 8-da ah ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Viswanathan 47-jir ah, Wiilkiisa Cheran ooo 22-jir ah, Chithravel 27-jir ah , Muthukrishnan 28-jir ah, Suresh oo 35-jir , Manimaran 34-jir ah iyo Prabhu 27-jir ah,waxaana dhamaantood ay codsadeen in dalkooda dib loogu celiyo.

Waxa kale oo ay intaasi ku dareen in shaqooyinkii ay u hayeen shirkadda ay qandaraaska la galeen uu caqabad ku noqday Cudurka Coronavirus, ayna u baahan yihiin in la caawiyo.

Somaliland weli kama aysan hadlin dhibaatooyinka la soo wariyey inay wajahayaan kaluumeysatadaasi ajaaniibta ah ee ku sugan deegaanadeeda, gaar ahaan magaalada Berbera.