Weerarkii Xabsiga Dhexe oo ciidan iyo saraakiil loo xiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan hay’adda dambi baarista Booliska Soomaaliya ee CID ayaa shalay tagay xabsiga dhexe ee Xamar, kadib weerarkii Isniintii ka dhacay gudaha xabsiga.

Saraakiishan ayaa ka hor inta aysan meesha tagin waxaa kaga horreeyay guddigii loo xil saaray in ay baaritaan ku sameeyaan kiiskaan waxaana kadib goobta tagay Saraakiisha CID.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in halkaas laga soo xiray afar kamid ah ciidanka Asluubta Soomaaliya oo laba kamid ah ay yihiin saraakiil sare.

Ciidankaan iyo Saraakiisha la xiray ayaa qaarkood waxay ku qornaayeen heeganka ama shaqada ilaalada xabsiga xiliga uu dhacayey weerarka halka qaar kalane aysan xiligaas shaqo ku jirin.

Lama sheegin sababta xarigood,a hase yeeshee waxaa la filayaa inuu la xariiro weerarkii Isniintii todobaadkaan ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Sidoo kale, taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa shalay bedelay dhamaan ciidanka ilaalada Xabsiga Dhexe iyo qaar ka mid ah ciidanka ku sugan kontaroolada laga soo galo Xabsiga.

Warar lagu kalsoonyahay oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in ciidanka dhamaantood la badalay lana keenay kuwa kale oo ka tirsan Asluubta.

Arintaan ayaa la xariirtii weerarkii Xabsiga Dhexe ka dhacay kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan, waxaana jira hadal heyn badan iyo shakiyo oo arintaas ku saabsan.

Sii-haya xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa shalay kulan la qaatay guddigii uu magacaabay ee qaabilsanaa baaritaanka weerarkii Xabsiga dhexe isagoo ku adkeeyay in ay deg deg warbixin u keenaan.