Kulamadii ugu horreeyey ee doorashada oo ka bilowday magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday kulamadii ugu horreeyey ee looga arrinsanayo doorashooyinka 200/2021-ka, kuwaas oo ay leeyihiin guddiga farsamada ee ka baaraan-dagaya arrimaha doorashada.

Kulamada oo ah kuwa gooni-gooni ah ayaa waxaa guddiga oo ay xubno ka yihiin dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada diirada lagu saaray xaaladda dalka, gaar ahaan doorashada, si loo gorfeeyo, ka hor shirka ka dhacaya gudaha Dhuusamareeb.

Sidoo kale xubnaha guddiga ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynahayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho.

Sida uu sheegay wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac guddiga iyo labada madaxweyne ayaa isla meel dhigay qorshayaal KMG ah oo ay ku wada shaqeynayaan labada dhinac.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la tashiyo ay la yeelanayaan daneeyayaasha kala duwan, sida xisbiyada mucaaraadka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Si kastaba ha’ahaatee waxaa meesha ka maqan xubnaha guddigan farsamo ku metelaya maamullada Jubbaland iyo Puntland oo la sheegay inay diidan yihiin shirka Dhuusamareeb.