Xilalka iyo darajooyinka ciidanka dowlada Soomaaliya oo ‘bililiqo lagu billaabay’

Muqdisho (Caasimada Online) – “Boob xoogan ayay wadaan” mas’uuliyiinta sii haayayaasha ka ah xukuumadda kalsoonida uu kala noqdey baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, sida uu sheegay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa ka dhawaajiyey in la dalac-siiyey in ka badan 200 sarkaal ciidan, lana magacaabay tobanaan diblumaasiyiin heer sarre ah.

Sidda laga soo xigtay Warsame, magacaabidaan baalmarsan shuruucda waddanka waxaa lagu taxay xubno ku heeb [qaraabo] ah yihiin madaxda waqtiga kasii dhacayo.

Bishii hore Julaayo 25-keeda ayay ahayd markii Aqalka Hoose uu riday xukuumadii Xasan Cali Khayre, waxaana madaxweyne Farmaajo uu si ku meelgaarka ah xilka ugu dhiibay Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar].

Waxa uu sheegay in magacaabidaas ay sharci darro tahay, maadaama dastuurka ku meelgaarka ah uu xeerinayo in xukuumadda ay sii shaqeyneyso inta laga soo dhisayo xukuumadda cusub ee bedeleysa.

“Maxay keentay marka xukuumad sharci darro ah oo dalka ka talineysa? Waxa ay ku dhaqmeyso waxaa la yiraahdaa jenaan-boob Waxaa la kala boobayaa hantidii dowladda, waxaa la kala boobayaa mas’uuliyadihii iyo xilalkii dowladda, waxaa la kala boobayaa manaasibtii xataa garaadihii ciidanka ayaa boob lagu hayaa,” ayuu Warsame u sheegay warbaahinta Muqdisho.

Wuxuu hadalkiisa raaciyey: “Madaxweynaha wuxuu go’aansaday in uusan xukuumad dhisin si jenaan-boobkaas u sii socdo”.

Talaabooyinka kale ee xisbiyadda iyo maamuladda qaar ka gadoodeen oo xukuumadda xil-sii-gaarsiinta ah ay qaadey waxaa kamid ah magacaabida Hay’adda Batroolka iyo Golaha Adeega Garsoorka.

Xigasho: Garowe Online