Somaliland: Maxkamadda sare oo go’aan ka gaareysa arrimaha doorashooyinka

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa go’aan cusub ka gaartay khilaafka qabsoomida doorashooyinka oo xaalad cakiran ka dhaliyay deegaanadeeda, iyada oo maalmihii u dambeeyayna usii xoogeysanayey arrinkaasi.

Golaha wasiirada Somaliland oo maanta shir ku yeeshay habka maqal iyo muuqaalka (Video Conference) ayaa waxay ka wada-hadleen khilaafka doorashooyinka, iyagoona go’aamiyay in Maxkamadda sarre loo gudbiyo.

Golaha ayaa isku raacay in khilaafka soo noq-noqday ee doorashooyinka ay ka go’aan gaarto maxkamaddu, maadama uu gebi ahaanba fuli waayey heshiiskii saddexda xisbi ay gaareen doorashooyinka.

Khilaafka qabsoomida doorashooyinka Somaliland ayaa soo jiitamayey sanadihii u dambeeyay, iyada oo xiligan ay si weyn uga hor-yimaaden qaar kamid beelaha dega Somaliland, oo ku doodaya in  aysan helin saamigoodii.

“Waxa goluhu dood dheeer ka yeeshay qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka, wuxuuna goluhu go’aamiyey in loo gudbiyo maxkamadda sare ee Jamahuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa hore ugu fashilmay daminta xiisada ka dhalatay doorashooyinka, kadib markii lagu kala kacay kulamo uu la qaatay odayaal dhaqameedka kasoo jeeda beelaha diidan qabsoomida doorashooyinka.

Tallaabadan uu maanta go’aamiyay goluhu ayaa waxa shaki badan ka muujiyey siyaasiyiin reer Somaliland, kuwaasi oo qaba in maxkamaddaha Somaliland ay noqdeen kuwo fuliya rabitaanka Madaxtooyada.

Lamana oga in maxkamadda sarre ee Somaliland ay ayidi doonto heshiiskii saddexda xisbi qaran ee qabsoomida doorashooyinka, kaasi oo dhigayay in doorashada lagu galo saami-qeybsigii hore ee cabashada ka muujiyeen beeluhu iyo inkale.