Maxay tahay digniinta uu wasiirkii hore ee A/Gudaha u diray VILLA SOMALIA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dalka, Cabdiraxmaan Odowaa ayaa si adag uga hadlay muddo kordhin dalka ka dhacda, isagoona digniin arrintaasi ku aadan u diray Villa Somalia oo uu hormuud u yahay Farmaajo.

Odowaa oo hadda ah xoghayaha guud ee Madasha xisbiyada qaran ayaa sheegay in haddii uu dhamaado muddo xileedka madaxweyne Farmaajo, uusan laheyn wax xasaanad ah oo uga duwanaan karo madaxweynayaashii hore ee dalka.

Cabdiraxmaan oo ka hadlayay dood ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa meel adag iska taagay in dowladda Farmaajo ay sameysato ‘muddo kororsi aan sharci aheyn’, oo dalka u horseedi kara qalaalase siyaasadeed oo hor leh.

Wuxuuna madaxweynaha Farmaajo ugu digay in waqtigu ka dhaco, iyada oo aan heshiis laga gaarin nooca doorasho ee dalka dhaceysa, taasi oo lagu dabaqayo doorashada 2020/2021.

“Aniga waxaan taaganahay Madaxweynaha haddii uu waqtigiisu dhamaado, wax u haray malahan, anaga iyo madaxweynahana waxaan noqoneynaa dad guriyahooda jooga” ayuu yiri Cabdiraxmaan Odowaa.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dalka ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada ay xiligan leedahay in dowladda Farmaajo ay waqtigeeda ku qabato doorashada, isagoona ka digay inay dhacdo taasi badalkeeda.

Hadalka Odowaa ayaa kusoo aadaya xili aan weli si dhab ah loogu diyaar garoobin shirka Dhuusamareeb3 oo lagu waday inuu furmo 15-bishan oo ay naga xigaan labo maalin oo keliya.

Shirkaasi ayaa la filayay in heshiis loo dhan-yahay looga gaaro arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa, inkasta oo aysan xiligan muuqan qabsoomida shirkaasi.