Puntland oo ciidamadii ugu badnaa geysay Gaalkacyo iyo ujeedada ka dambeysa

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland ayaa lagu soo warramayaa in maanta la geeyey waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, si ay u xoojiyaan amniga guud ee magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) uu bixiyey amarka lagu geeyey Gaalkacyo ciidamadaasi oo isugu jira milatari iyo Boolis.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in durbo dhaq-dhaqaaqyo iyo howl-gallo cusub ay ka bilaabeen halkaasi.

U jeedka ciidamadaan loogu daad-gureeyey Gaalkacyo waxaa lagu sheegay sidii ay uga hortagi lahaayeen kooxaha maleeshiyaadka ah ee inta badan dhibaatooyinka ka geysta gudaha magaaladaasi, sida ay u sheegeen Caasimada Onlien saraakiil laamaha amniga.

Gaalkacyo oo kala qeybisa maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah nabad-gelyada.

Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii Gaalkacyo lagu dilay taliyihii madaxtooyada Puntland G/Sare Cismaan Cumar Maxamed, kadib iska hor imaad dhex-maray ciidamada ammaanka maamulkaasi iyo maleeshiyaad hubeysan oo ku sugnaa magaaladaasi.