SHIINAHA oo lacag badan ugu deeqay SOOMAALIYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha, gaar ahaan safaaradeeda magaalada Muqdisho ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareysa illaa 50,000 oo Dollarka Mareykanka ah.

Lacagtan ayaa safaaraddu waxa ay sheegtay in loogu tala-galay dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen dadaadka.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian ayaa sheegay in deeqdan ay ugu tala-galeen sidii dib u dajin dhameystiran loogu sameyn lahaa dadkii ka barakacay fataahadaha dhowaan ku dhuftay gobollo dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tallaabada noocan oo kale ah ay muujineyso saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha.

Dhankiisa wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad oo guddoomay deeqdan lacageed ayaa u mahadceliyey dowladda Shiinaha, wuxuuna hoosta ka xariiqay in kaalmadan ay timid xilli aad u muhiim ah.

Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka sida weyn u taageera dowladda federaalka, isagoo ka caawina dhinacyo dhowr ah.