Villa Somalia oo u yeertay Cawad kadib magacaabidii sharci-darrada ahayd (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan helnay ayaa sheegeysa in madaxtooyada Soomaaliya ay u yeertay sii-hayaha wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad kadib markii uu magacaabay tobanaanka diblumaasiyiin, xilli xukuumadda uu ka tirsan yahay ay dhacday.

Cawad ayaa lagu waramay in uu ku sugnaa caasimadda Kenya ee Nairobi, halkaasoo uu ka sameeyay magacaabidan, waxaana yaab noqotay in isaga oo jooga gurigiisa Nairobi, kana maqan xaruntii wasaaradda uu warqado sharci-darro ah soo saaro.

Axmed Ciise Cawad ayaa ku dhacay fashilkii ugu weynaa abid, kaddib markii uu sameeyay magacaabid sharci daro ah oo waqtiga taariikhdeeda dib loo dhigay (Back Date) iyadoo uu magacaabay in ka badan 27 diblomaasi oo loo qoray qaab aan waafaqsaneyn sharciga shaqaaleynta dowladda.

Waxaa la soo bandhigga ilaa 21 warqadood oo uu ku magacaabay shaqsiyaad aan ka mid aheyn shaqaalaha wasaaradda, kana tirsaneyn shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka soomaaliya.

Xog ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegeysa in magacaabistaan la sameeyey kadib dhicitaankii Xukuumaddii uu hoggaaminayey Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, balse waraaqaha magacaabista lagu taariikheeyey 14 iyo 23 July ee 2020, si looga dhigo in la sameeyey intii ay xukuumadda jirtay, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda.

Arrinta ayaa fajac ku noqotay Madaxweyaha ka dib markii lala wadaagay cadeymaha documents ka uu ku saxiixan yahay Wasiirka.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in Danjire Cawad oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi uu shalay dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii ay gaartay fariin looga diray Villa Somalia oo isugu jirta canaan iyo inu si deg deg ah u soo galo Muqdisho.

Waa caado soo jireen ah marka la gaaro xilliga kala guurka in la magacaabo xilal lana dalacsiiyo saraakiil ciidan, waxaana ay arrimahaas kamid yihiin qorsheyaasha ay madaxda ku galaan ololaha coddeynta.