DF Somalia oo war cusub ka soo saartay wejiga sadexaad ee SHIRKA Dhuusamareeb

Muqddisho (Caasimada Online) – Sii hayaha wasiirka Dastuurka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka hadlay arrimo ku aadan qabsoomida shirka la filayo in 15-ka bishan August uu ka dhaco gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Wasiirka oo u warramay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in haatan ay socoto qaban-qaabadii ugu dambeysay ee shirkaasi oo ay isku arki doonaan madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasada dalka.

“Ku talagalku waa sidaa, sidaa ayaan anagu farsama ahaan ku talajirnaa bisha 15 inuu shirka ka furmo magaalada Dhuusamareeb.” ayuu yiri wasiirka Dastuurka.

Sidoo kale Saalax Axmed Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in maamulada Jubbaland iyo Puntland ay weli ka biya diidsn yihiin ka qeyb-galka shirkaasi, balse wuxuu tilmaamay inay haatan socdaan dadaallo lagu qancinayo maamulladaasi.

Wasiirka Dastuurka ayaa carabka ku goday in dadaalladaasi ay hormuud ka yihiin madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn wuxuu shaaciyey in kulamo goono gooni ay ka socdaan caasimada, kuwaas oo looga tashanayo qabsoomida wejiga saddexaad ee shirka magaalada Dhuusamareeb.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada ee 2020/2021, balse wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo dhowaan la riday xukuumaddii hore ee ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.