Muxuu yahay markabka sababay xiisadda dagaal ee u dhexeysa Turkey iyo Greece

By BBC SOMALI

Xukuumadda Giriigga ayaa ugu baaqday Turkiga in uu dib ugala baxo Markab ka soo ambabaxay dekad ku taalla Turkiga kaasi oo sahan qodid shidaal ka samayn doona bariga badda Mediterranean-ka.

Xiisadda u dhaxeysa labada dhinac ayaa marar badan sare u kacday, balse murankan imika ku saabsan keydka Gaaska ee badda ceegaga ayaa laga cabsi qabaa in xiisadda ay cirka isku sii shareerto.

Markii xukuumadda Turkiga ay bishii July ku dhawaaqday in Markab baaritaan shidaal sameeya ay jasiiradda Kastellorizo, ayaa waxaa murankii ka dhashay markii hore xalisay dowladda Jarmalka oo imika haysa jagada madaxwaynaha Midowga Yurub.

Balse imika markii uu markabka Turkiga oo ay weheliyaan 5 markab oo kale ayaa waxaa mar kale soo cusboonaaday muranka.

Labadan dalka oo ka wada tirsan gaashaanbuurta Nato ayaa waxay is waydaarsadeen hadalo dhiilo xambaarsan.

Dowladda Giriiga ayaa wacad ku martay inay difaci doonto madaxbanaanideeda islamarkana midowga Yurub oo ay Gariiga xubin ka yihiin ayaa wadaxaajood ku baaqay.

Siduu u xumaaday xiriirka?

Turkiga iyo Giriiga ayaa ku loolamaya keydka Gaas islamarkana waxay isku khilaafsan yihiin cidda xaqqa u leh goobo muhiim ah oo ku yaalla bariga badda Mediterranean-ka .

Waxay ku muransan yihiin goobo cayiman oo dal walba uu sheeganayo inay dhulkiisa ka tirsan yihiin.

Bishii July, Turkiga ayaa waxay bixiyeen digniin dhanka badda ah taasi oo loo yaqaano Navtex waxayna sheegeen in markabka Oruc Reis oo ah mid sahmiya shidaalka ay u dirayso meel u dhaw jasiiradda Kastellorizo, oo masaafo yar u jirta xeebta koonnfur galbeed ee dalka Turkiga.

Markii ay Turkiga digniinta bixiyeen kama uusan soo shiraacan dekadda Turkiga ee Antalya.

Balse digniintaasi ayaa markiiba sababtay in milatariga Giriigga heegan sare la galiyo, waxaana bilaabatay cabsida laga qabo in uu isku dhac ka dhaca meel u dhaw jasiiradda Kastellorizo.

Xiriirka u dhaxeeya Turkiga iyo Giriigga ayaa muddo bilooyiin ah waxaa uu ahaa mid wiiqmay.

Labada dal waxyaabaha kale ee ay ku muransanayeen waxaa ka mid ahaa muhaajiriinta ka soo gudbiyo dhanka Turkiga ee u soo talaabaya Giriigga.

Giriigga ayaa sidoo kale aad uga naxay ka dib markii madxafkii Hagia Sophia ee ku yaalla Istanbul loo badalay masaajid.

Waxay labada dhinac mujiyeen inay ka go’an tahay wadaxaajood ka dib markii Jarmalka ay soo faragaliyeen islamarkana dagtay xiisadda labada dal.

Balse horraantii bishan August Giriiga ayaa waxay heshiis dhanka badda la galeen Masar taasi oo Turkiga ka careysiisay.

Wadahadaladii ayaa la baajiyay islamarkana waxaa 10 August dekadda ka soo shiraacday markabka Oruc Reis.

Maalinkii xigtay markabka Oruc Reis ayaa la sheegay in uu joogay biyaha u dhaxeeya jasiiradaha Crete iyo Qubrus.

Maxaasoo cusboonaysiiyay xiisadda?

Turkiga iyo Giriiga ayaa ku loolamaya sidii ay u hormarin lahaayeen kheyraad dhanka tamarta ee bariga badda Mediterranean-ka.

Sanooyiinkii u dambeeyay ayaa waxaa keyd dhanka Gaaska ah laga helay biyaha Qubrus, taasi oo keentay in dowladdaha Qubrus, Giriiga, Masar, iyo Israa’iil ay ka wada shaqeeyaan sidii ay kheyraadkaasi inta badan ula soo bixi lahaayeen.

Sanadkii aanu soo dhaafnay Turkiga ayaa waxay dardargaliyeen inay shidaal ka baaraan galbeedka Qubrus oo kala qeybsanayd tan iyo 1974, islamarkana ay Turkiga gacanta ku hayaan wuqooyiga Qubrus oo ay Turkiga kali ah aqoonsan yihiin.

Turkiga ayaa mar walba ku dooda in jasiiradaa khayraadka ku jira la qeybsado.

Bishii November 2019, xukuumadda Ankara ayaa waxay heshiis la saxiixatay Liibiya taasi oo Turkiga ay sheegeen in lagu abuuray aag dhaqaale oo gaar ah oo u dhaxeeya xeebta koonfurta Turkiga ilaa waqooyi bari Liibiya.

Dowladda Masar ayaa tallaabadasi ku tilmaamtay mid sharci daro ah, halka xukuumadda Gariiga ay ku tilmaamtay mid aan caqligal ahayn maadaama aan la xusin jasiiradda Crete ee Giriiga ku taalla.

Dabayaaqadii bishii May, ayay Turkiga shaaciyeen inay qorshaynayaan in ay qodida Gaaska bilaabaan bilooyiinka soo socda taasi oo ay ka sameyn doonaan dhowr goobood, waxaana arrintan qaaylo dhaan ka muujiyay midowga Yurub, Giriiga iyo Qubrus.

Dhowr shati ayaa horey loo soo saaray taasi oo ah in shirkadaha shidaalalka Turkiga ay shidaal qodis ka bilaabi karaan bariga badda Medatareeniyanka, taasi oo ay ku jiraan jasiiradaha Gariiga ee Rhodes and Crete.

Maxay yihiin arrimaha sharciga ee ku xeeran?

Qaar badan oo ka mid ah jasiiradaha Gariiga ee ku yaalla Aegean iyo bariga Mediterranean-ka ayaa waxay u jiraan xeebta Turkiga masaafi aad u dhaw, islamarkana muranka la xiriira biyaha waa mid adag labada dal-na dhowr jeer ay ku sugteen inay dagaalamaan.

Haddii Giriiga ay isku soo ballaariyaan 6 mayl dhanka xeebta , Turkiga ayaa ku andacoonaya in badooda ay arrintaasi saamayn ku yeelanayso.

“Turkiga ma aqbali doono qorsha kasta oo la isku dayayo in lagu soo xiro biyaheeda,” waxaa sidaasi sheegay madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Maxay yihiin jawaabaha laga bixiyay?

Wadamada Yurub ee xulufada la ah gariiga ayaa waxay taageereen go’aanka Giriiga inkastoo dalalka kale ee Yurub sida Jarmalka ay ku baaqayaan wadaxaajood.

Madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa taageero buuxda u muujiyay Gariiga iyo Qubrus , wuxuuna cambaareeyay “jabinta la jabiyay madaxbanaanidooda”.

Xiriirka u dhaxeeya Turkiga iyo Faransiiska ayaa ahaa bilooyiinkii ugu dambeeyay ahaa mid murugsan , gaar ahaan arrinta Liibiya.

Mareykanka ayaa labada dhinac ugu baaqay in ay wadahadlaan islamarkana xoghayaha guud ee Nato Jens Stoltenberg ayaa dhankiisa ku baaqay in arrintani “la xaliyo iyada oo la eegay is xulufeysiga laguna saleynayo shuruucda caalamiga ah.”