Carabta waa halista ugu badan oo ay wajahayaan wadamada Bariga Africa

Carabtu waa halista ugu badan ee ay wajahayaan wadamada ku yaala bariga Africa maanta, waxaase sidoo kale ku hoos jira faa’iidooyin ku xiran hadba sida ay noqoto xeelada dal walba.

Dowladda Eritrea ayaa ku biirtay dalalka sida ka fiirsi la’aanta ah ula saftay Sacuudiga oo xurguf siyaasadeed ay kala dhaxeyso Canada, taas oo salka ku heysa arrimaha xuquuqul insaanka. Eritrea waxey luuqad adag ku dhaleeceysay Canada iyadoo ugu baaqday Sacuudigu inuu qaado talaabo jawaab ah, arrintaan waxey timmid iyadoo Asmar uu booqasho ku joogo wasiirka Arrimaha dibada ee Sacuudiga Caadil Aljubeyr.

Wararku waxey sheegayaan in Asmara ay yabooh lacageed iyo dhismayaal dowladeed ku badalatay go’aankeeda, sidoo kale Itoobiya ayaa u guurtay dhanka Sacuudiga iyo Emirate iyadoo toos u qaadatay qadiyadaha labbadaas wadan arrintan waxey keentay in lagu abaalmariyo dhismaha dhuun shidaal oo isku xiri doonta Addis Abbaba iyo Dekadda Casab.

Somalia oo markii hore u badneyd dhanka Qatar hada waxey u muuqata iney u leexatay dhanka Sacuudiga iyo Emirate-ka iyadoo daba fadhida Itoobiya, lama sheegin waxa ay Somalia ku badalatay iney Sacuudiga la safato oo ay Canada u colaadiso waana arrin lagu micneyn karo fashil siyaasadeed oo dibbada ah.

Dadka aadka ula socda xaalada gobalka ayaa sheegaya in Somalia ay hortaalo labbo arrimood, mida koowaad waa iney si xirfadeysan uga dabaalata shirqoolada Carabta mida labaadna waa in go’aamadeeda siyaasiga ah ay dano guud uga dhex jeedo. Siyaasadu waa dan, dano ku gaar.

Abdullahi Osman Farah