JUXA ma mudan yahay hogaanka Puntland 2019?

Cabdi Faarax Siciid oo loo yaqaanno Juxa waa siyaasi , macalin iyo suxufi, wuxuu Khamiistii ku dhawaawaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada Puntland. Wuxuu qudbadiisa ku duray taliska xilligaan ka jira Puntland, dowladda Federaalka ah iyo Somaliland wuxuuna u muuqda nin kalsooni badan heysta.

Puntland waxey aadi doonta doorasho madaxweyne sanadka soo aadan, waxaa jira musharaxiin badan oo hada ku dhaawaqay iney xilka u taagan yihiin, qaar kale ayaa la filan karaa bilaha soo aadan, sidoo kale madaxweyne Gaas ayaa isna laga yaaba inuu dib isu sharaxo.

Puntland waxaa ku furan dagaal, waxaa liita xiriirka kala dhaxeeya Dowlada Federaalka ah, musuq ayaa ku baahay , waxaana kaloo hortaala iney u gudubto marxalad ay shacabku wax dooran doonaan mustaqbalka dhow.

Juxa waxaa lagu tilmaama inuu lee yahay Aragti siyaasadeed oo cad, dadka yaqaana waxey sheegaan inuu laxaw badan u hayo hormarinta Puntland, markale lala bar bar dhigo madaxweyne Gaas.

Dad ku sugan Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso oo aan la xiriirnay ayaa aaminsan in Juxa uu mudan yahay doorashada sanadkaan, waxaana ay sabab uga dhigayaan labbo arrimood. Mida koowaad waa inuu dhinac u dhici doono macaamilka Puntland iyo Dowladda dhexe, mida labaadna waa in Puntland ay heli doonto jiil badan oo wax bartay.

Wuxuu qudbadiisa ku diiday in masiirka madaxtinimada Puntland uu noqdo mid saddex beelood ku kooban oo ah Cumar Maxamuud, Ciise Maxamuud iyo Cismaan Maxamuud. Arrintaan waxaa la qaba inta badan shacabka reer Puntland.

Hadii uu Juxa kusoo baxa doorashada soo aadan waxaa meesha ka bixi doona kaltankii beelaha ee dhaqanka ka noqday Puntland, madaama hada la aaminsan yahay in la joogo xiligii Cismaan Maxamuud, tani waxey Puntland u ekeysiin kartaa maamul xukunkiisu reer walba iyo qof walba u furan yahay.

Juxa oo shaqsiyad adag leh ayaa la aaminsan yahay inuu sidoo kale taageero ka heysto siyaasiyiin kasoo jeeda koonfurta Somalia iyo ganacsato reer Puntland ah kuwaas oo la filaayo iney ku garab siin doonaan qorshihiisa doorashada.

Xigasho: Muqdisho Evening Post

Muqdisho Evening Post waa wargeys madax banaan oo fiid walba kasoo baxa Muqdisho.