Tallaabada ay qaadday DF ma looga kaaftoomi karaa ku dul noolaanshaha dadka Xamar & dhaqaalahooda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Shalay waxa ay Xukumadda Dowladda Federalka ah magaalada Muqdisho ku daah furtay Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo uu dhawaan madaxweynaha digreeto ku soo saaray.

Golahaas waxaa ku mideysay aqoonyahanno Soomaaliyeed iyo kuwo ajaaniib ah oo ka soo talo bixin doonnaa sida ugu wanaagsan ee dalka lagu kobcin karo dhaqaalihiisa iyo cilmi baaris ay ku sameyn doonnaan ilaha dhaqaalaha kaga sameyn karo mustaqalka dhaw iyo kan fog.

Hase ahaatee, taas oo ay jirto ayaa waxaa jirta su’aal muddo taagneyd oo aan laga jawaabin.

Dhaqaalaha dalka ma Muqdisho Oo Kaliya laga sameeynayaa?

Su’aashan waxa ay caqabad ku ahayd dowladihii ka horreeyey midda ay hadda hoggaamiyaan madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo RW Xassan Cali Kheyre.

Waxaa aad loo xusuustaa shirarkii is daba joogga ahaa ee ay qaban jireen siyaasiyiinta iyo waxgaradka bulshada reer Muqdisho ee ay kaga dhiidhin jireen wax ay ku tilmaameen  ‘Kaaga Kula Lihim Keygana kaalihi!”

Reer Muqdisho waxa ay ku doodi jireen in ilaha dhaqaale ee dalka aysan isku si dowladda uga faa’ideyn dadweynaha oo ay ku kooban tahay Muqdisho sida Dekedda iyo madaarkeeda.

Dekedaha iyo madaarada M/Gobolleedyada aysan waxba dowladda ka soo gaaran xataa aysan maamulin.

Hadaa muxuu soo kordhinayaa golaha dhaqaalaha qaranka ee la magacaabay?

Sida muuqata,golahan waxaa qeyb ka ah madaxda dowlad gobolleedyada oo laga tala galiyey.

Haddii sida saxda ah looga shaqeysiiyo waxa uu meesha ka saari doonaa ku tirsanaantii Muqdisho oo waxaa baahi doona awoodda dhaqaale ee dowladda Federal-ka ah.

Waxa uu golaha ka soo talo bixin doonaa sameynta canshuur mideysan oo laga qaado ilaha dhaqaale ee dalka oo dhan taas oo sahli doonta in dhaqaalaha dalka si deg deg ah ugu kobco.

Haddii uu guuleysto ujeedka laga loo sameeyey golaha dhaqaalaha Qaranka waxaa sidoo kale lagu daweyn doonaa dooddii muddada badan ay reer Muqdisho qabeen, kaaga kula lihi, keygana kaa lihi!