Caro ka dhalatay arrin ay sameeyeen isbitaallada Muqdisho kadib qaraxyadii

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah isbitaallada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa maanta bilaabay inay lacago ka qaadaan dadka shacabka ah ee dhiiga u shubayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii ka dhacay isgoysa Zoobe.

Arrintan oo ah mid halis ah ayaa waxaa aad loogu baahiyey baraha bulshada, ayadoo dadweynuhuna ay si carro leh uga falceliyeen tallaabadan oo si weyn loo dhaleeceeyey isbitaallada.

Lacagta laga qaadayo dadka shacabka ah ee dhiiga tabarucaya ayaa gaareyso illaa 30 Dollar, sida ay muujinayaan dukumintiyo lagu baahiyey baraha bulshada ee Iternet-ka.

Dhinaca kale wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo durbo arrintan war ka soo saartay ayaa amar culus dul-dhigtay isbitaallada ku yaallo gudaha magaalada Muqdisho.

Wasaaradda ayaa fartay bahda caafimaadka inay shacabka Soomaaliyeed ee dhiiga u shubaya dadka ay waxyeelada soo gaartay inay u fududeeyaan habraaca looga baahan yahay ee dhiig shubista.

“Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxey fareeysaa dhamaan Isbitaalada Muqdisho in Shacabka Soomaaliyeed ee dhiiga ugu deeqaan walaalahood ay dhibaatada kasoo gaartay musiibadii shalay ay u fududeeyaan habraacyada looga baahan yahay si ay u bixiyaan dhiigaga,” ayey tiri wasaaraddu.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in isbitaallada looga baahan yahay inay qaataan doorkooda oo ay caawiyaan dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatada soo gaartay

“Wasaaradda Caafimaadku iyo Daryeelka Bulshad xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxey adkeynaysaa in Isbitaalada ay caawiyaan Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatadu soo gaadhay. Sidoo waxaa bulshada lawadaageynaa inay si degdeg ah u gaadhaan Isbitaalada danta guud ee Demartini, Benadir, Madiino iyo Ex-Digfeer oo  diyaar u ah fududeynta howlaha gaegaarka Caafimaad,” ayaa markale lagu yiri qoraalka wasaaradda. caafimaadka Soomaaliya.