Ra’iisule Wasaare Xamza oo tallaabo deg deg ah qaaday kadib qaraxyadii ZOOBE 2

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa goordhoweyd magacaabay guddi ka shaqeeya howlaha gurmadka ee qaraxyadii shalay ka dhacay Zoobe.

Guddigaan oo heer Qaran ah ayaa waxa uu ra’iisul wasaaraha u xilsaaray hubinta iyo la socodka qasaarihii ka dhashay qaraxii bahalnimada ahaa ee shalay iyo fidinta caawimaad deg deg ah dadkii wax yeeladu ka soo gaartay qaraxyada.

Sidoo kale waxay guddigaan sameyn doonaa diiwaan-gelinta iyo baadi-goobka dadka la la’yahay, isku xirka iyo isku dubaridka howlaha Gurmadka iyo xal u helidda iyo xoojinta adeeg-yada caafimaad ee isbitaallada dalka

“Ra’iisul Wasaaraha oo xiganaya qodobada 99 iyo 100 ee Dastuurka KMG ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana ka jawaabaya baaxadda khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe iyo mudnaanta ay leedahay in daryeel degdeg ah loo fidiyo dhibbanayaashii waxyeelladu ka soo gaartay qaraxyada ayaa waxa uu magacaabay guddigaan oo heer qaran ah.”

Guddigaan ayaa waxa guddoomiye looga dhigay Wasiirka Caafimaadka, Dr. Cali Xaaji Aadan, sidoo kale waxa ku jira oo xubno ka ah Wasiirada wasaaradaha Amniga, Waxbarashada, Warfaafinta iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Guddiga gurmadka ayaa waxa uu ka kooban yahay 10 xubnood, waxay kala yihiin;

1. Dr. Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caafimaadka = Guddoomiye
2. Dr. Maxamed Axmed Sh Cali, Wasiirka Amniga Gudaha = Xubin
3. Faarax Sheekh Cabdiqaadir, Wasiirka Waxbarashada = Xubin
4. Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiirka Warfaafinta = Xubin
5. Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka = Xubin
6. Abshir Maxamed Axmed, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada = Xubin
7. Xirsi Jaamac Gaani, Wasiiru-dowlaha xafiiska RW = Xubin
8. Yuusuf Xuseen Jimcaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir = Xubin
9. Maxamuud Macallin Cabdulle, Guddoomiyaha SODMA = Xubin
10. Cabdulqaadir Cabdullaahi Faarax, Maareeyaha NEOC = Xogheyn