Khasaaraha qaraxyadii Zoobe 2 oo kordhay iyo wararkii ugu dambeeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa-soo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, illaa haddana waxa la xaqiijiyay dhimashada 104 qof, halka dhimashada ay intaas kasii badan tahay, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo goordhoweyd la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in illaa hadda lala soo wadaagay in dhaawaca uu yahay 269 qof.

“Waxaa ina soo gaartay sida ay nala wadaagtay waaxda caafimaadka dhaawacu waxa uu gaaraya 269 ayey nala wadaageen, dhimashaduna 104 ayey mareysa oo illaa hadda 6 qof ayaa la aqoonsan dadkoodii,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka si fiican loo aqoonsan waayo ay masuul ka tahay dowladda Hoose ee Xamar, islamarkaana ay la wareegi doonto aasitaankooda, sida uu sheegay.

“Waxaa leenahay dadka Isbitaalada ha tagaan oo ha fiiriyaan, waxaa rabnaa in aan isku gurmano, is-kaalmeyno oo is caawino.”

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu faray Isbitaalada magaalada Muqdisho inaysan lacag ka qaadin dhaawacyada ay daaweyn karaan, ayada oo xusay in dhaawacyada culus ay isla xalin doonaan dowladda.

Si kastaba, waxaa la filayaa in khasaaraha ka dhashay qaraxyadii Zoobe 2 uu ka badan inta illaa hadda ay warbixintooda soo gaartay maamulka gobolka Banaadir, maadama weli maydad hor leh laga soo saarayo dhismayaashii burburay.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online