Hay’addii ugu horeysay oo kasoo jawaabtay cosiga Xasan Sheekh ee qaraxii Zoobe 2

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka (WHO) ayaa noqotay hey’adii ugu horeysay ee kasoo jawaabto codsiga madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in si deg deg ah gargaar caafimaad loola soo gaaro dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe 2 ee shalay ka dhacay Muqdisho.

Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay inay Soomaaliya u dirayaan gargaar caafimaad oo deg deg ah..

Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sidoo kale tacsi u diray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaska ay sida gaarka ah u saameeyeen qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxa WHO wuxuu shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay ka kaalmeynayaan sidii loo daweyn lahaa dhaawacyada faraha badan, iyo hannaanka tiiraanyo bixinta dadkii ay dhibaatada xun soo gaartay.

Magaalada Muqdisho, ayaa shalay waxaa ka dhacay qaraxyo is xig xigay, kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan qof inta la xaqiijiyey, halka saddex boqolna ay ku dhaawacmeen, waxaana jirta cabsi ah in dhimashada ay aad uga badan karto intaas.

Qaraxaan ayaa noqonaya midkii labaad ee ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Muqdisho, wuxuuna qaraxii kan khasaaraha badnaa ka dhacay isla isgoyska Zoobe shan sano ka hor 14-kii October 2017.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxayna sheegatay inay la beegsatay dhallinyaro la ciidameyn rabay balse sida muuqata waxaa ku dhintay dad shacab ah oo u badnaa ganacsato iyo dad isticmaalayey jidadka.