Daawo: Shariif oo si dag uga hadlay musiibadii Zoobe 2, fariina u diray shacabka iyo DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay masiibada ka dhalatay qaraxyadii ay shalay Khawaarijtu ka geysatay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, isagoo fariin u diray shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa ugu horeyn dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay si hagar la’aan ah isugu gurmadaan, maadaama ay dhacday musiibo baaxad weyn.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay la imaato qorshe cad oo looga jawaabi karo xaaladaan deg degga ah, sidoo kale wuxuu dowladda ku adkeeyey inay tallaabooyin deg deg ah Al-Shabaab uga qaado furimaha dagaalka.

“Arrintaan u jeedkeedu waa in dagaalka lagu hakiyo, waxaan soo jeedinayaa in aan loo jilcin hala sii laban laabo dagaalka, mar hore ayaa laga quustay kooxdaan dadka dhibaateyneysa, yaan dagaalka laga jilcin,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in dagaal looga furo meelaha hadda aysan dagaaladu ka socon ee kooxdu joogto, si deg deg looga guuleysto.

“Waxaa fiican in culeyska la wada qaado, meelaha ay joogaan oo dhan dagaal ha looga furo, hadda waxaa muuqata fursad weyn oo looga xoroobi karo Al-shabaab,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale wuxuu codsaday in si hagar la’aan ah dowladda loo garab istaago si looga guuleysto kooxdaan, isagoo nasiib darro ku tilmaamay in kooxaha Khawaarijta ah ay diinta islaamka fasir qaldan ka siiyeen dhalinyaro aan baran.

“War marka hore diinta barta, oo u soo laabta dadka Soomaaliyeed iyo dowladiina, ugu yaraan waxaad ka qeyb qaada kartaan inaad joojisaan dhiiga umadaan aan waxaba idinka galabsan,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo