Daawo: Duqa Muqdisho oo sheegay in lasoo saaray meyd hor leh kuwo kalena ay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo warbaahinta kula hadlay isgoyska Soobe ayaa xaqiijiyey in meydad hor leh laga soo saaray burburka dhismayaasha hoostooda.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in weli dad lagu la’yahay nolol iyo geeri toona, isla markaana loo maleynayo inay burburka ku hoos jiraan, oo weli uu goobta ka socdo gurmad xoog leh.

Guddoomiyaha degmada Wartanabadda Seynab Xaabsay adeerkeed ayuu sheegay guddoomiyuhu in galabta maqribkii meydkiisa laga soo saaray burburka dhisme dumay hoostiisa.

“Waa maalintii labaad meydad hor leh ayaan u maleynayaa inay ku jiraan burburkaan hoostiisa, dad badan ayaa maqan, waxaan hadda ka soo saarnay guddoomiyaha Wartanabadda adeerkeed, waan u mahad celinayaa shaqaalaha iyo dadka kale ee ku howlan gurmadkaan adag,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Weli waxaa goobta ka socda gurmadka ay wadaan shaqaalaha dowladda hoose iyo dhalinyaro kale, waxaana maqan in ka badan 10 qof oo weli aan nolol iyo geeri lagu helin.

Maanta tiradii ugu badneed oo dhalinyaro ah ayaa tegay isbitaallada Muqdisho, iyagoo ku deeqaya dhiigooda, si loogu badbaadiyo dhaawacyada dhiig baxay.

Inta badan wadada weyn ee Maka Al-mukarama ayaa xiran weli, maadaama uu isgoyska Soobe ka socdo gurmadka loo fidinayo dadka loo maleynayo inay burburka dhismayaasha ku hoos jiraan.

Hoos ka daawo Duqa Muqdisho