Madaxweyne Sheekh Shariif oo war cusub ka soo saaray dagaalka Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa si qota dheer uga hadlay waxa ay yihiin Shabaab-ka dagaalka kula jira dadka Soomaaliyeed ee xasuuqa joogtada ah ku haya shacabka aan waxaba ka galabsan.

Sheekh Shariif ayaa ku taliyey in la balaariyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isla markaana furimo dagaal looga furo meel kasta oo ay joogaan, si deg deg loogu soo afjaro dhibaatooyinka ay ka geysanayaan dalka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay la imaato qorshe cad oo looga jawaabi karo xaaladaan deg degga ah, wuxuu dowladda ku adkeeyey inay tallaabooyin deg deg ah Al-Shabaab uga qaado furimaha dagaalka.

Dowlad goboleedyada ayuu ka codsaday inay dowladda dhexe kala shaqeyaan dagaalka ay ku soo afjareyso kooxda Al-Shabaab.

“Waxaa fiican in culeyska la wada qaado, meelaha ay joogaan oo dhan dagaal ha looga furo, hadda waxaa muuqata fursad weyn oo looga xoroobi karo Al-shabaab,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Wuxuu sheegay in kooxdu ay cadaadis kala jeedo qaraxyada iyo weerarrada ay geysanayso, isagoo ku baaqay in aan loo joojin oo dagaalka laga guul keeno.

“Arrintaan u jeedkeedu waa in dagaalka lagu hakiyo, waxaan soo jeedinayaa in aan loo jilcin, hala sii laban laabo dagaalka, mar hore ayaa laga quustay kooxdaan dadka dhibaateyneysa, yaan dagaalka laga jilcin,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynihii hore ayaa Al-Shabaab u kala saaray laba group, isagoo qeyb ka mid ah fariin u diray, “Al-Shabaab waxay u qeybsan yihiin laba qeybood oo kala ah, dad isku deyaya inay fikir qaldan umadaan ku hoggaamiyaan oo dhiigga islaamka bareystay iyo kuwo siyaabo kala duwan uga qeyb qaata,” ayuu yiri.

Kuwa aan sida buuxda u caadeysan inay dhiiga dadka daayiyaan ayuu Sheekh Shariif ugu baaqay inay dariiqaas qaldan ka soo laabtaan, isagoo sheegay in dhalinyaro aan waligood waxbaran ay kooxdu qaladay oo duruufihii heystay ay uga faa’iideysatay.

“War marka hore diinta barta, oo u soo laabta dadka Soomaaliyeed iyo dowladiina, ugu yaraan waxaad ka qeyb qaada kartaan inaad joojisaan dhiiga umadaan aan waxaba idinka galabsan,” ayuu yiri.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in qarniyo badan ka hor ay Khgawaarijtu soo jirtay, “Yaan loo kala harin maanta, fursad looga guuleysa karo ayaa jirta dadkaas mujrimiinta ah, waxaan Alle ka baryaa inuu naga dulqaado Al-Shabaab, joogitaankooda caqabad ka weyn ma heysato dadkeena,” ayuu yiri Sheekh Shariif.