Xasan oo dhiigiisa ku deeqay, baaq kalena soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa dhiig u shubay dadka qaba dhaawacyada, wuxuuna mar kale bulshada ka codsaday in loo gurmado dadka mudan ee wajahaya duruufaha caafimaad iyo kuwa nololeed ee xaaladaha jira ka dhashay.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay baaqiisii xalay ee ku aaddanaa in dhammaan dadka Soomaaliyeed ay u istaagaan samata-bixinta dadkooda ku dhibaatoobay qaraxyadii argagixiso ee shalay ka dhacay isgoyska Soobe.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo codsaday in loo midoobo sidii gurmad iyo daryeel ay u heli lahaayeen qoysaska, ubadka iyo waalidiinta ay ka tageen muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyadan murugada leh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey sida qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed ay dhiigga ugu deeqeen dadkooda, biyaha iyo cuntada, dharka iyo agabyada kale ee muhiimka ah ay u la gaaraan dhaawacyada.

Madaxweynaha ayaa caawa dhankiisa ku deeqay dhiig si uu u dhiirri geliyo olalahan gurmadka qaran.

Weli waxaa goobta ka socda gurmadka ay wadaan shaqaalaha dowladda hoose iyo dhalinyaro kale, waxaana maqan in ka badan 10 qof oo weli aan nolol iyo geeri lagu helin.

Maanta tiradii ugu badneed oo dhalinyaro ah ayaa tegay isbitaallada Muqdisho, iyagoo ku deeqaya dhiigooda, si loogu badbaadiyo dhaawacyada dhiig baxay.

Inta badan wadada weyn ee Maka Al-mukarama ayaa xiran weli, maadaama uu isgoyska Soobe ka socdo gurmadka loo fidinayo dad loo maleynayo inay burburka dhismayaasha ku hoos jiraan, madaxda ayaa aad u isticmaaleysa wadadaas.