Daawo R/W Xamza: Waxaan ballan-qaadeynaa in dadka Soomaaliyeed loo aargudo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa xalay ballan-qaaday in loo aargudi doono shacabkii ay maleeshiyada Al-Shabaab ku xasuuqeen qaraxyadii ka dhacay Zoobe 29-kii October. 

In ka badan 105 qof ayaa lagu dilay qaraxyadaas, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 300, ayada oo la rumeysan yahay in dhimashadu ay intaas ka badan tahay maadaama ay jiraan dad badan oo weli la’yahay. 

Xamza ayaa shacabka u sheegay in Al-Shabaab markii looga soo adkaaday furimihii dagaalka ay billaabeen inay si toos ah shacabka u xasuuqaan, oo ay ka aargoostaan haweenka, caruurta iyo odayaasha.  

“Waxaa ballan ah in dadkaas loo aargudo, waana u aagudeynaa, waana go’aan aan kasoo noqosho laheyn in nimankaas dalka laga xoreeyo,” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre.  

“Xanuun baan mareynaa, marka waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay deganaansho iyo dulqaad u yeeshaan dagaalka socda waxyaabaha naga soo gaaraya. Waxaan rajeynayaa inaan muddo kooban ku noolaano waddankeena oo aan qarax laheyn iyo waddankeena oo aan dil laheyn,” ayuu yiri.

Xamza ayaa shacabka qeybihiisa kala duwan ugu baaqay in cid kasta sida ay awooddo uga qeyb qaadato dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa xalay ku booqday isbitaallada Madiina, Banaadir iyo Erdogan dhaawacyadii ay wax yeeladu ka soo gaartay weeararkii kooxaha Khawaarijta ah ay ka geysteen isgoyska KM5.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku soo wareegay qeybaha kala duwan ee ay yaalaan dhaawacyada, ayaa Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad degdeg ah, intii dhimatayna naxariistiisa Janno uu ka waraabiyo, isagoo cadeeyey in Soomaaliya ay dagaal kula jirto kooxo argagixiso oo aan cidna u tureyn. 

Xamza oo warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaallada uu booqday, ayaa ku ammaanay dhaqaatiirta iyo howlwadeenada gacanta ku haya dhaawacyada kaalintooda naf hurnimada ah.