Aqalka Cad ee Mareykanka iyo dowladda UK oo war kasoo saaray qaraxyadii Zoobe 2

Muqdisho (Caasimada Online)Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa cambaareeyey qaraxyadii Sabtidii ka dhacay agagaarka Zoobe ee magaalada Muqdisho kuwaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 100 qof.

“Dowladda Mareykanka waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarkii argagixisada ee ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 100 qof, ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad 300 oo kale, waxay si gaar ah ay u cambaareyneysaa beegsiga foosha xun ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya iyo kooxaha gurmadka deg degga ah,” waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yiri Jake Sullivan oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Joe Biden.

Sullivan ayaa sheegay inay tacsi u dirayaan shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan kuwii noloshooda ku waayey iyo kuwa ku dhaawacmay “weeraradaas argagaxa leh ee lala beegsaday shacab aan waxba galabsan.”

“Dowladda Mareykanka waxaa weli ka go’an inay dowladda federaalka Soomaaliya ka taageerto dagaalka ay uga hortageyso ficillada argagixiso ee naxariis darrada ah,” ayuu yiri Sullivan.

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda Britain James Cleverly ayaa ka hadlay weeraradii Zoobe, wuxuuna si adag u cambaareyey qaraxyadii ka dhacay halkaasi.

James Cleverly oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in muragada iyo xanuunka ay la qaybsanayaan ehellada ay dadkooda waxyeelada kasoo gaartay qaraxyadaasi.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarkii fulaynimada ahaa ee argagaxa lahaa ee Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho. Waxaan la murugoonayaa qoysaskii iyo asxaabtii dadkii sida xun loo dilay loona dhaawacay” ayuu ku yiri warka qoraalka ku yiri Cleverly.

Sidoo kale wuxuu xusay in dowladdiisa ay sii wadi doonto garab istaaga iyo taageerada ay siiso dowladda faderaalka oo haatan dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan sii wadi doonaa garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira argagixisada. UK waxay cambaaraynaysaa argagixisada nooc kasta oo ay tahay,”.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya ay xaqiijisay dhimashada 104 qof iyo dhaawaca in ka badan 300, haddana waxaa weli jira dad la la’yahay, waxaana suurta-gal ah in khasaaraha intaas kasii bato.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa xalay wacad ku maray in loo aargudi doono dadkii ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxyadaas.