Carruur walaalo ah oo ku dhintay kuna dhaawacmay dab ka kacay Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dab khasaare dhimasho iyo dhaawac gaystay oo xalay ka kacay gudaha magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland.

Dabka ayaa qabsaday guri jiingad ah oo ku yaalla xaafadda magaalo Jimcaale, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday carruur walaalo ah, sida uu shaaciyay taliska ciidanka dab damiska Somaliland.

Sacad Jimcaale Cabdi oo 3 sano jir ahaa ayaa dhintay, halka uu dhaawac kasoo gaaray dabkaas walaalkiis ka wayn Subeer Jimcaale Cabdi oo isna 5 sano jir ah, sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxay ciidanka dab damiska Somaliland.

Sidoo kale taliska ayaa sheegay inay ku guuleysteen daminta dabkaasi, kadibna ay maydka iyo dhaawaca kasoo saareen halkaasi.

“Ciidamada Dabdemiska ayaa si degdega goobtaas u gaadhay gurigaas kana koobnaa lix makhsin, waxaana ciidamadu bilowgii damiyeen dabka, intaa kadib Ciidamada ayaa Maydka Wiilka yar ka soo saaray Guriga iyo wiilka kale ee dhaawacmay oo ciidamadu gaadhsiiyeen cisbitaalka weyn ee Hargeysa. Wiilka yar ee dhintay ayaa ahaa saddex jir magaciisuna ahaa Sacad Jimcaale Cabdi iyo Subeer Jimcaale Cabdi oo dhaawacmay da’adiisuna ahayd shan jir” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa kiiskan la wareegay ciidamada Booliska Somaliland, gaar ahaan laanta dambi baarista, waxaana maydka la geeyay xarunta C.I.D, si baaris loogu sameeyo.

Dhinaca kale ciidamada dab damiska Somaliland ee sameeyay howlgalkan ayaa farriin u diray shacabka, waxayna ugu baaqeen in aan carruurta kor looga xirin guriga, marka ay laga tegayo.

“Ciidanka Dabdemisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada in aanan caruurta guryaha dusha lagaga xidhin. Sidoo kale dadweynuhu yaanay ku soo buuqin goobaha dabku ka socdo, hakana feejignaadaan halista dabka xilliga xagaaga” ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Somaliland waxaa ku badan gubashada, waxaana dhowr jeer oo hore sidaan oo kale uu dab uga kacay magaalada Hargeysa, kaas oo gaystay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo baaxad leh.