Sawirro: Xubno Al-Shabaab ah oo isku soo dhiibay NISA

Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad-sugidda Soomaaliya ee ka howlgala deegaanasa Koonfur Galbeed ayaa maanta soo bandhigay saddex xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibay dowladda federaalka Soomaaliya.

Saddexda xubnood ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Ibraahim Xuseen Maxamed, Nuur Maxamed Abuukar iyo Yare Cali Xuseen oo dhammaan ah wiilal dhalinyaro ah oo ka barbar dagaalamayay kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa NISA ee jooga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed ayaa soo dhaweeyay xubnahan oo mari doono habraaca isa soo dhiibayaasha kasoo goosta Al-Shabaab.

Xubnahan oo loo soo bandhigay warbaahinta ayaa sheegay inay ka howlgali jireen gobollada Baay, Bakool, Shabeelaha Hoose iyo Hiiraan, isla markaana ay ka qayb qaateen dagaallo kala duwan oo ka dhacay gobolladaasi.

Sidoo kale wareysiyo laga qaaday ayaa waxa ay ku sheegeen inay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka Shabaab ku haysta duurka, waxayna saaxiibadooda ugu baaqeen inay isku soo dhiibaan dowladda Soomaaliya.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana weeraro iyo qaraxyo ay ka fulisaa deegaanada maamulkaasi,

Wejiga labaad ee gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa haatan ku wajahan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, si looga xoreeyo dagaalyahanada kooxdaasi.

Si kastaba, xubnaha kasoo goosanaya Al-Shabaab ayaa haatan soo badanaya, waxaana loo sababeynayaa gulufka dagaal ee ay ku qaaday dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka, gaar ahaan Macawiisleyda.