Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda caafimaad ee boqorka Sacuudi Carabiya

Riyad (Caasimada Online) – Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa shir guddoominayay kulanka golaha wasiirada Talaadadii, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, taasoo noqoneysa markii ugu horreysay oo boqorka Sacuudiga lagu soo warramo inuu qabtay howlo rasmi ah tan iyo markii la daweeyay in ka badan toddobaad.

Boqorka oo 88 jir ah, oo ah ilaaliyaha labada masaajid ee barakeysan, ayaa noqday hoggaamiyaha dalka ugu weyn ee dhoofinta shidaalka adduunka sannadkii 2015. Waxa uu hore u ahaa dhaxal sugaha iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka boqortooyda.

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa laga dhex arkay sawirada, isagoo guddoominaya shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, kaasoo ahaa muuqaal laga soo duubay.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan ayaa sidoo kale laga arkay kulanka, isaga oo ay weheliyaan wasiirrada kale ee Sacuudiga oo uu ka mid ahaa walaalki, Wasiirka Tamarta Amiir Cabdilcasiis Bin Salmaan.

Goor hore waxaa la sheegay in Boqor Salmaan uu heli doono daryeel caafimaad sababo la xiriira caabuqa sambabada.

Amiir Maxamed bin Salmaan ayaa markii dambe dib u dhigay booqasho rasmi ah oo uu ku tagi lahaa Japan xaalad caafimaad oo boqorka awgeed.

Ilo wareedyo ayaa goor sii horeysay u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in Amiirka dhaxalsugaha ah sidoo kale lagu wado inuu booqdo Shiinaha.

Reuters + VOA