Carte: Dadaalkii muddada la soo waday si fudud ay ku burburisay dowlada iminka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii Hore ee Soomaaliya, hadana ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Maxamed Cumar Carte Waxaa uu dowladda dhexe uu ku eedeyay in ay burburisay Wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka Somaliland.

Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in dowladdii rasmiga aheyd ee la soo dhisay 2012 ay wada hadal la bilowday Somaliland, isagoo xusay in heshiiskii bishii January sanadkii 2014 lagu saxiixay Istanbul uu qeexayay in la sii wado wada hadalada, lagana dheeraado wax kasta oo abuuri kara khilaaf, isla markaana aan la siyaasadeyn barnaamiyada horumarinta iyo kuwa bani’aadanimada.

Xildhibaanka waxaa uu sheegay in Dawladdu qaadato mas’uuliyadda ka saran sii wadidda heshiisyadii horrumarineed ee beesha caalamku ku taageeraysay Shacabka Somaliland, meeshana laga saaro caqabadaha jira.

“Waxaa wax laga xumaada ah, in maanta iyada oo dedaal badan la geliyey in la soo gaadhsiiyo heer laga wada hadli karo midnimada, in ay dawladda maanta jirta mijaxaabisay dedaalkii loogu jiray in Somaliland iyo Somalia ka heshiiyaan wada-hadaladaas ka dib markii ay ka gaabisay sii wadidda wada-hadaladii, isla markaana joojisay mashaariicdii horumarineed ee waxtarka u ahaa nolosha Shacabka Somaliland. Ka dib markii aan la tashaday siyaasiinta iyo shacabka midnimo-doonka ah, ee muddada badan u soo dhabar-adaygay dib-u-soo-celinta qarankii” ayuu yiri Maxamed Cumar Carte.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com