DF oo bixisay duugta ninkii bajaajlaha ahaa ee la dilay iyo askarigii oo lasoo xiray

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay in gacanta lagu soo dhigo askar Degmada Hodan ku dilay wiil Bajaaj lahaa barqanimadii Maanta.

Askarigii dilka geystay ayaa lagu soo xiray Xarunta dambi baarista ee CID, waxaana markii kiiskiisa la qoro loo gudbin doonaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida si loogu qaado dambigii uu galay.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa Maanta la kulantay qoyskii uu ka dhashay wiilkii la dilay waxaana la isla gartay in meydka la duugo isla markaasna ay dowladda Soomaaliya bixiso duugta.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya iyo qoyska wiilka laga dilay ayaa ku balamay in la isku soo laabto marka la aaso beydka si loo dhameystiro kiiskaan isla markaasna maxkamad loo soo taago askarigii dilka geystay oo si bareer ah falkaan u geystay.

Tallaabada ay dowladda Soomaaliya qaaday ayaa yareyn doonto dilalka soo batay oo ay askarta dowladda u geysanayaan dhallinayarada Bajaajyada wado.

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa soo badanayey dilalkaas kadib markii la xiray inta badan jidadya Muqdisho, waxaana muuqato inay dowladda qaaday tallaabo muhiim ah oo lagu yareenayo arrintaan.

Ugu dambeyntii meydka wiilkii dhallinayarada ahaa ayaa lagu guuleystay in la aaso kadib iskaashi dhexmaray dowladda iyo qoyska waxaana la filayaa in maalmaha soo socdo uu askarigaan kasoo muuqan doono Maxkamadda horteeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com