Qarax xoogan oo mar kale caawa ka dhacay XAMAR iyo khasaare ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Jug culus ayaa goordhow laga maqlay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, waxaana jugta daba socday rasaas goosgoos ah.

Jugta oo inta badan laga wada maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa la xaqiijiyay inay ka dhalatay Miino lagu aasay Isgooska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa soo sheegaya in miinada ay qaraxday xili goobta ay aheyd mid aad u mashquul badan, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Inta la ogyahay laba Qof ayaa ku geeriyootay, halka ay ku dhaawacmeen lix ruux oo kale, Qaraxa oo jugtiisa laga amqlay qeybo abdan oo kamid ah Magaalada Muqdisho ayaa dhacay xili dadka qaar ay ka sii rawaxayeen Goobohooda Ganacsi.

Dadka ku dhaawacmay Qaraxa ayaa waxaa ku jiray arday dhiganeysay Jaamacad ku taalay Isgooska gaar ahaan wadada gasha Isbitaal Digfeer waxaana dhammaan dhaawacyada goobta ka qaaday ciidamada amaanka.

Goobta uu hadda ka dhacay Qaraxa ayaa marar kala duwan waxaa ka dhacay Qaraxyo kala duwan oo ka dhashay miinada nooca lagu xiro gaadiidka.

Dhinaca kale, Qaraxaani ayaa noqonaaya kii afaraad oo ilaa saaka ka dhacay Muqdisho, waxaana xusid mudan in laba kamid ah Qaraxyada uu ka dhashay miino lagu xiray gawaari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com