Casir: Ma aqoonsanin wax la yiraahdo baarlamanka Ahlu Sunna, sababtoo ah…

Cadaado (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo Shalay dib ugu laabtay Magaalada Cadaado ayaa sheegay inuusan aqoonsaneyn Baarlamaanka Ahlu Sunna ee lagu soo daray Maamulk Galmudug.

Casir oo uu garabkiisa taagnaa madaxweyne ku xigeenka Galmudug Carabey ayaa sheegay inaan Baarlamaankaas lagu soo dhisin sida uu qabo Dastuurka Galmudug.

Waxa uu sheegay in waqtigaan la hareer maray Dastuurkii u yaallay Galmudug,isla markaana Baarlamaanka Galmudug sidii uu horay u iclaamiyey Madaxweyne Farmaajo uu ku Shaqeyn doono Magalada Cadaado.

“Waxaan idiin cadeyneynaa in aanan aqoonsaneyn Baarlamaan aan aheyn kii Galmudug ee Cadaado lagu dhisay” ayuu yiri Casir.

Wuxuu sidoo kale sii raaciyey inuu Dastuurkaas ahaa midkii ay ansixiyeen ergadii soo dhistay Maamulka Galmudug ee laga soo kala xulay beelaha daga deegaanadaas.

”  Dastuurkaasna waa kii in ka badan 800 oo Ergo ay ansixisay, iyo Dastuurka rasmiga ah ee dowlad Goboleedka Galmudug, Anagana ma ogolaan doono Dastuurka khilaafsan Dastuurka dowladda Soomaaliya ayuu yiri Casir.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka shaqeeyey in Maamulka Ahlu Sunna lagu soo daro Galmudug, waxayna arrintaas keentay inay ka xumaadaan ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka kuwaas oo la safan beesha dagto Cadaado oo dooneysay inay halkaas sii ahaato Caasimadda Galmudug.

Baarlamaanada Galmudug iyo midka Ahlu Sunna ayaa la mideeyey 26-kii Maarso markaas oo xaflad weyn lagu qabtay Magaalada Dhuusa Mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, waxayna noqotay tirada guud ee Xildhibaanada ilaa 178 Xildbhibaan.

waxaa xusid mudan inay xafladdaas qeyb ka ahaayeen Guddoomiye Casir iyo Carabey oo labaduba hadda kasoo horjeestay baarlamaanka ay dhismihiisa marqaati ka ahaayeen.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Casir

 

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com