Casir oo shaaciyey go’aan mustaqbalka GalMudug mugdi sii gelin doono..!!

Cadaado (Caasimadda Online) – Cali Gacal Casir oo xildhibaano horey ugu shiray magaalada Dhuusamareeb ay sheegeen inay xilka ka qaadeen ayaa wuxuu sheegay in dhawaan magaalada Cadaado ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Galmudug.

Wuxuu sheegay Cali Gacal in sidoo kale ay bedelayaan guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo lagu tiriyo inuu la safan yahay Galmudug garabka Xaaf.

Sidoo kale Cali Gacal Casir ayaa wuxuu sheegay in dhawaan ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan qaabka ay u dhaceyso doorashada, islamarkaana diyaarinta doorashada ay hada ku mashquulsan yihiin guddiga doorashada.

Go’aankaan ayaa imaanayo xilli ay Xildhibaanada Galmudug Garabka Magaaladaas ku sugan ay Doorteen Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Fadhiga Baarlamaanka oo uu ku dhawaaqay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa sheegay in xaadireen 137-Mudane.

Saddex Musharax oo ku heeb ah Cali Gacal Casir Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Balse Xildhibaanadaan ay sheegeen in ay Xilka ka qaadeen ayaa isku soo taagaay.

Wareeggga Koowaad ee Doorashada oo ay ku tartameen 1: Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle axmad, Xildhibaan Aadan Xaaji iyo Xildhibaan Salaad Caynte waxa ay kala heleen.

1:Xildhibaan Ismaaciil 93 Cod

2: Xildhibaan Aadan Xaaji 37 cod

3: Xildhibaan Salaad Caynte 5 Cod

Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle Axmed ayaa ku guuleystay Doorashada, maadaama uu tanaasulay Xildhibaan Aadan Xaaji oo heystay Wareegga 1-aad 37-Cod.

Isla Xarunta Baarlamaanka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa lagu dhaariyay Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle Axmed oo Xildhibaanada Galmudug garabka Dhuusamareeb u doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Arrintaan ayaan la ogeyn Wajiga cusub ay u sameyn karto Khilaafka Ka dhex taagan madaxda Galmudug oo Xil ka qaadis isku sameeyay, iyaga oo kala degay Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Halkaan hoose ka dhageyso Hadalka Casir

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com