Waare: Sharci maaha shirka madax gobolleedyada haddii aan ka maqanahay

Jowhar (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay Idaacaddaha Muqdisho ayaa sheegay inuusan sharci aheyn kulanka la filayo inay Maamulada ku yeeshaan Garoowe.

Wuxuu sheegay in wax kasta oo kasoo baxo kulankaas iyo midka ay Maamulada ku yeesheen Nairobi aysan khuseyn Maamulkiisa Hirshabelle.

Wuxuu xusay inuusan la qabin Maamulada kale waxyaabaha iyo cabashada ay u gudbiyeen Beesha Caalamka, isagana uu Mas’uul ka yahay Maamulka Hirshabelle.

Wuxuu ku eedeeyey Madaxda Maamul Goboleedyada kale inay ka baxeyn ballantii lagu galay Kismaayo isla markaasna ay ka shaqeenayaan wax aan dan ugu jirin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Waare waxaa uu sheegay in Hirshabeelle iyo dowlad goboleedyadda uu ka dhaxeeyo xiriir Wanaagsan, balse aysan aqbali doonin Golaha Iskaashiga ay shiraan Hirshabeelle oo aan ogeyn,Maadaama maamulada ay wada dhisteen Golaha.

Waare ayaa Dhawaan ku dhawaaqay inuu la heshiiyey Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyadoo Maamul Goboleedyadana ay soo saareen warbixin ay kaga hadlayaan arrintaan oo ay ku sheegeyn inaysan khuseyn Maamulada kale.

Wasiir ayaa hadda xiriir fiican la leh Dowladda Dhexe, waxaana muuqato inuu weli jiri jahwareerka siyaasadeed ee u dhaxeeyo Madaxda Sare ee dalka iyo Maamul Goboleedyada oo aan siyaasad ahaan is keeni karin.

Kulanka Garoowe ay ku yeelan lahaayen Maamul Goboleedyada ayaa baaqday Maanta kadib cadaadis xooggan oo uga imaaday Beesha Caalamka.

Halkaan hoose ka dhageyso Hadalka Waare

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com