Duufaan xoogan oo kusoo wajahan Somalia: Meesha ay ka dhici doonto & xilliga

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maalinta Jimcaha ah ayaa la filayaa inay dalka Cumaan ay ku dhufato duufaan xoog leh oo gaari doonto illaa Geeska Africa sida ay soo saartay Qeybta Saadaashada Hawada ee BBC.

Doofaantaan ayaa la rumeysan yahay inay tahay middii ugu xoogga badneyd ee soo marto Cumaan iyo Wadamo kale oo ay kamid tahay Soomaaliya.

Duufaantaan ayaa loogu magac daray Luban waxayna Maalinta Jimcaha ah ku dhufan doonto Cumaan ka hor inta aysan Sabtida u gudbin Yemana oo aysan kusii xijin dalka Soomaaliya oo dhaco Geeska Africa.

Duufaantaan ayaa lasoo warinayaa inay wadato roobab aad u xoog badan oo laga dareemi doono qeybo badan oo kamid ah wadamada ay Duufaantaan kusoo socoto.

Dufaantaan ayaa heerkeeda lagu sheegay inay tahay heerka Koowaad sida ay shaacisay Xarunt Digniinada ka bixiso Duufaanada adduunyada ka dhaco ee Mareykanka.

Xarunta Digniinada duufaanada ee Mareykanka ayaa xustay inay Duufaanta xoogeeda uu yaraan doono marka ay ku dhufato Wadamada CUmaan iyo Yemen balse waxay sheegtay inay ka dhallan karto daadad Khatar gein karo Qeybaha ay ka mareyso dalalka ay ku wajahan tahay maadaama ay wadato Roobab waaweyn.

Duufaantan Luban ayaa lagu wadaa in ay cirifka bari ee Soomaaliya ku dhufato saacadaha hore ee Axadda, ayadoo dabaylahana la qiyaasayo in xoogoodu uu noqon doono kuwo ilaa 60 mayl saacaddiiba ku socda.

Duufaannada kulaaleyaasha ayaa intooda badan waxay ka kacaan badda Arabia xilliyada Guga iyo dayrta. Sannadkii ama labadii sanaba mar ayey duufaantaasi saamaysaa gacanka Arabia.

Bishii Maajo ayey ahayd markii duufaanta Sagar oo gacanka Cadmeed ku dhufatay ay sidoo kale garaacday Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com