CASUUMADII ABOORKA

Soomaalidu tan iyo markii ay gacmahooda ku riday Dowldii loo arkayay in ay ku fadhido sadbursiiyo ay heli lahaayeen saraakiil iyo ganacsato midba maalintiisa gadooday qabyaaladina aaneey ka marneyn, dibna looga qoomameeyay waxa ay dhex maquurteen colaado kala calamo duwan oo mid waliba car-carteeda iyo ceynad gaara laheyd.

Mudadaa 21-ka sano ah,Roobabku waxa ay da,yeen iyadoo difaac la isugu jiro,qoraxda Soomaaliya u dhalataana  ma aaneey dhicin iyadoo aaneey dhicin wixii dhici lahaa, oo ah dagaalo sokeeye,mid Siyaasadeed,mid dhul Dowladeed oo la isku heysto,mid aana qabiil,gaadiid lakala dhacayo,mid Isbaaro,Mid Diimeed,mid ganacsato,mid Dowlad lagu taageerayo,mid Qaad ka bilowda,maalin walbana waxaa la soo ahaa umad is wada dileysa,oo kala qaxeysa oo aan isku soo galin,mar walbana waxaa loo sacabo tumayay fikrad kooxi keentay oo aan la is weydiin halka ay ku dhamaaneyso,aakhirkana waxaa laga haraa oo mid kale looga diga rogtaa iyadoo kii hore laga dhaxlay dhimasho iyo dhaawac.

Ma aheyn wixii la soo maray iyo dhawaqyadii la maqli jiray cayaar sharax ah ama wilisiqo rag xoogani garaacayeen,ee waxa ay ahaayeen rasaas iyo madaafiic lagu ridayay dad iyo daaro wixii markaa noolaa,marka aadse u fiirsato si miyir qab ahna u eegto   hadii aad ka soo samata baxday  wixii si maalayacni ah rag isugu soo dileen ama ay u soo galaafteen kuwa aan waxba galabsan,sow lama oran karo waxa ay Soomaalidu u ekeyd Umad taariikhda iyo mustaqbalku u yihiin qadar iyo nasiib iska yimaada oo iska taga,ee aaneey u aheyn natiijo ka dhalata waxa ay sameynayaa,marnana aan xiligaa is weydiin su,aalo ay jawaabahooda hadda hayaan,waxa ay u ekyihiin dad dunida u arka in la isku soo jujuubay oo ka firxanaya oo sida ugu dhaqsiyaha badan u dhimanaya,waa dad rubuc Qarni deegta ku sita Ak-47 oo ah darka wadku u soo maro xaqna uma laha ineey noloshooda  canaantaan maadaama ay iyagu doorteen.

Sidoo kale waayadaan danbe waxaa Soomaaliya ku soo batay Qaraxyo ismiidaamin ah oo dad badan oo masaakiin ah u taxaabay Aakhiro,markase aad maqasho gaari qarxay oo qofkii waday kaligii ku dhintay ama ruux meel cidlaa isku  qarxiyay waa suurta gal in aad su,aalo badan is weydiiso,sidoo kale marka aad maqasho dagaal socda oo salka ku haya muran Isbaaro,guri dowladeed oo la isku heysto,ruux kun shilin loo dilay iyo waa ka shakiyay,ama Qaad lakala dhacayo,oo sababa dhimashada in ka badan 20 ruux iyo dhaawaca Sodomeeyo kale,iyana waa suurta gal in mar qura ay maskaxdaada ku dagaalamaan su,aalo badan oo ay ka mid tahay waxa dhacay iyo waxa la isku heysto sida ay u kala fogyihiin,aaway noloshii qiimaha laheyd,maxaa dadkan nabad iney dunida ugu noolaadaan u diiday!!!

Bal u fiirso Tahriibka badda waxaa 7-aad walba soo yeeraya soomaali badan baa badda ku dhimatay maalin walbana doomuhu waa sii raran yihiin oo waxaa lagu soo daadinayaa biyaha , weliba waa lagu kala tartamayaa geeridaa naxdinta leh.

Dhanka kale hadii aad maqasho askari askari kale dilay ama nin ciidana oo qof rayida dilay oo maalmo dabadeed Maxkamad la soo taagay, ina heblaayo hebel dabadeedna lagu xukumay dil toogasho ah,waxa aad is weydiineysaa bal waxa uu ka faa,iday falkiisii hore iyo in uu dilkani ka fiican yahay dilalkii hore ee aan la isku daba gali jirin.

Markase la isku xooriyo inkastoo geeridu xaq tahay,dhimashadan soomaaliya laga wada caashaqay mar qurana aan la is weydiineyn waxa lagu dhimanayo waxa ay yihiin,welina  Qorigii hebelo badan lagu dilay la sito,la iskuna tag taagayo  si dhimashadu u sii socoto iyadoo la og yahay ruuxii dhintaa in aanuu dib ifka ugu soo laabaneyn,sow waxa loo wada dag dagayo lama oran karo Soomaalida ABOOR BAA CASUUMAD U DHIGAY !!!!

DH A M A A D  

C/qaadir Maxamed Faarax (Dulyar)

Dulyar23@Gmail.com Muqdisho/Somaliya.