Catriona Laing oo ka degtay Hargeysa, kadibna la kulantay MUUSE BIIXI + Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa maanta gaartay magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Amba. Catriona Laing ayaa soo dhaweyn kadib kulan gaar ah la qaadatay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kaas oo uu ujeedkiisu ahaa sagootin, maadaama ay haweeneydan ka tegeyso xafiiska kadib mudo sanad ah oo ay ka howlgaleysay Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Marwo Rooda Jaamac Cilmi.

Dhinaceeda weftigan waxa ku wehelinaayey Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid tahay Nikolai Rogosaroff, oo ah madaxa xafiiska Hargeysa, Katherine Brooks, Axmed Qalinle, Mustafe Khayre iyo Daahir Maxamed.

Qoraal kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu faah-faahiyay kulanka labada mas’uul oo kusoo aaday xilli xasaasi ah.

“Madaxweynaha  Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan sagootin ah la qaatay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Amb.Catriona Laing oo laga beddelay shaqadii ay hore u haysay ee Qaramada midoobay” ayaa lagu yiri qoraalka.

Biixi oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale uga mahadnaqay Amb Laing muddadii ay soo wada shaqeeyeen iyo hawlihii muhiimka ahaa ee u dhexeeyey  Qaramada midoobay iyo Somaliland ee qabsoomay  muddadii ay shaqada gacanta ku haysay.

Wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay wadday kulamo ay la qaadaneyso madaxda Soomaaliyeed, waxayna horay ula kulanray madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo madax goboleedyada oo ay ugu tegtay xafiisyadeeda, si ay u macsalaameyso.