Somaliland oo qorsheynaysa duullaan culus oo ay ku qaado Laascaanood – Xog

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay qorsheynayso duullaankii ugu weyna ee ay ku qaado Laascaanood, si ay dib ugu soo celiso gacanteeda, xilli ay hadda ka taliso SSC-Khaatumo.

Milateriga Somaliland oo ku goodiyay inuu markale la wareegi doono qaybaha uu lumiyay gobolka Sool, ayaa sheegay in uu xataa dhaafi doono Laascaanood, taasi oo ka dhigan in xukuumadda Muuse Biixi ee muddo xileedkeedu dhamaaday ay duullaanka ku raadineyso dhibco ay doorasho ku gasho.

Taliyaha Millateriga Somaliland oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa waxa uu meesha ka saaray in awooddii ciidanka Somaliland ay wiiqmatay kadib markii looga adkaaday dagaalka Laascaanood, isagoo sheegay in ciidankiisu uu weli awood badan yahay, uuna u diyaarsan yahay inuu soo ceshado dhulkii uu ku lumiyay dagaalka, sida uu sheegay.

“Dadwaynaha reer Somaliland waxaan u sheegaya in aanu si dhakhso ah xadka u gaadhayno wakhtigeeda, ciidanku waa kii naftooda waxay u huryaan dalka, awoodoodii iyo xoogoodiina way leeyihiin,” ayuu yiri Taliye Nuux Ismaaciil Taani.

Goodiskan ayaa imanaya xilli ay inta badan deegaanada gobolka Sool ka hana-qaaday maamulka KMG ee SSC, kaasi oo aqoonsi ka helay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kalena waxay kusoo aadeysa xilli taliska Muuse Biixi uu wajahayo loolan doorasho oo adag, ayna boog ku noqotay guul-darada Laascaanood.

Ciidamada Somaliland ayaa sanadkii tegay ee 2023-ka lumiyay gacan ku haynta inta badan gobolka Sool iyo magaalo madaxda Laascaanood, kadib dagaal billo socday oo ay dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamo si beelaysan u abaabulan ay dagaal la galeen Somaliland, iyada oo ugu dambeyn 2-kii August 2023 laga adkaaday ciidamada Somaliland.

Si kastaba, Somaliland ayaa weli aamisan in Sool ay kamid tahay dhulkeeda, iyada oo ciidamo fara badan tababaratay kadib jabkii ciidankeeda, halka ay dadka deegaanka dhisteen maamul ka madax-bannaan Somaliland, kaasi oo aqoonsi KMG ah ka haysata dowladda federaalka Soomaaliya.