Cayaartoyda Nigeria oo la yiri “Koob keena oo qaata $90,000”

Xiriirka K/cagta dalka Nigeria ayaa sheegay in cayaartoyda xulka Qaranka K/cagta dalkiisa la siin doono abaalmarin lacageed haddii ay ku guuleystaan Koobka Qaramada Qaaradda Afrika African Cup of Nations 2013, kaas oo lagu qaban doono dalka K/afrika.

Ademola Alajire oo u hadlay xiriirka K/cagta Nigeria  ayaa sheegay in  haddii cayaartoydooda ka soo baxaan Group-kooda ( GROUP C ) uu ciyaaryahan walba heli doono lacag dhan 10-kun oo doollar, halka marka ay rubac dhammaadka ciyaarta (Quarter Final ) uu mid waliba heli doono lacag dhan 15-kun doollar, halka marka ay ku guuleystaan ciyaarta Semfinalka mid waliba la siin doono lacag dhan 20-kun doollar.

Dhanka kale Ademolar Adejira ayaa sheegay in haddii xulkiisa ay ku guuleystaan ciyaarta kama dambeysta Final uu mid walba oo iyaga ka mid ah uu heli doono lacag dhan 25-kun oo doollar, wuxuuna guud ahaan ciyaaryahan walba heli doonaa lacag dhan 90-kun oo doollar, taas oo noqoneysa  abaalmarintii ugu weyneyd ee abid soo  marta ciyaartoyda xulka K/cagta ee Qaranka Nigeria.

Xoghayaha Guud ee xiriirka K/cagta Nigeria Musa Adamu ayaa  yiri “Abaalmarinta micnaheedu waa dhaqaajinta ciyaartoyda, si ay dalkooda iyo dadkooda u sharfaan”.

Xulka Nigeria ayaa labo jeer ku guulaystay Koobka Qaramada Qaaradda Afrika, inkastoo sanadkii inaga tegay ee 2012 ay ku guuldareysteen in ay ku soo baxaan wareega 16-ka ee kama dambeysta.

Dhinaca kale madaxweynaha Nayjeeriya Goodluck Jonathan, ayaa sanadkii 2010 xulka Nigeria ka ganaaxay ka qeybgalka ciyaaraha caalamiga muddo 2-sano ah, kadib markii ay guuldarro xoog leh kala kulmeen tartanka Koobka adduunka 2010 ee lagu qabtay dalka K/afrika, xulka Nigeria ayaa ka tirsan Group – ka 3-aad ee C oo ka kooban Zambia, Nigeria , Ethiopia iyo Burkina Faso.

Qoraa Sare: Muse Mohamed Osman

muusekiimiko99@hotmail.com