Cayrinta Nicholas Haysom: Wixii beesha caalamka na laga baray & xaqiiqda dalka

Waxaa nala baray in beesha caalamka ay dalka maamusho oo ay tahay lama taabtaan balse xaqiiqda ayaa ah Soomaaliya Soomaali baa leh.

Shalay ayay ahayd kolkii Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabbilsan Soomaaliya Mudane Nicholas Haysom uu soo saaray warqad uu Wasaaradda Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya kaga dalbanayo jawaabo ku saabsan kiiskii xiritaanka Mukhtaar Roobow, muddaharaadkii meesha ka dhacay iyo sidii dowladdu u maaraysay.

Maxaa ku jaban warqadda Haysom?

In Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya uu qoro warqad ku wajahan dowladda Soomaaliya ma aha ceeb iyo wax lala yaabo, balse waxa la yaab leh qaabka dhaqanka dibloomaasiyadda ka arradan ee uu Wakiilku u qoray warqadda isaga oo faragelin qaawan ku samaynaya arrimaha gudaha Soomaaliya. Wakiilku waxa uu u hadlayaa sidii inuu yahay Madaxweynaha dalka oo isla xisaabtan ka dalbanaya mid ka mid ah Wasiirradiisa! Si kale haddii loo dhigana, kolka aad fiiriso weydiimaha tirada badan ee uu Wakiilku su’aalayo Wasaaradda Amniga Dowladda, waxaad is oranaysaa tolow Wakiilku ma waxa uu isu beddeley Macallin dugsi oo mid kamid ah ardaydiisa imtixaan ka qaadaya?!!

Dowladdu sidee uga falcelisey warqadda Haysom?

Ka hor intaanan qodobkan gudo-gelin, waxaan soo xasuustay hadal la yaab leh oo uu mar dhexdaas ah ku tiraabay Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Sacuudiga ka dib markii dowladda Canada ay ka dalbatay inay si degdeg ah u sii daayaan haweenay Sacuudiyaan ah oo ay Boqortooyadu xirtay. Wasiirka oo la yaabban sida ay Canada u soo faragelin karto arrimaheeda gudaha, una dalban karto sii deynta muwaadinad Sacuudiyaan ah oo u xiran dowladda Sacuudiga ayaa yiri “Waad nagu dhalleecayn kartaan xuquuqda banii’aadamka, xuquuqda haweenka…waddamada kaleba sidaas waa sameeyaan, xaqna waad u leedihiin. Waana arrin aynu ka fariisan karno oo ka wada hadli karno, laakiin inaad dalbataan sii deyn degdeg ah? Ma waxaanu nahay Jamhuuridda Mooska ‘Banana Republic’? Dowladda Soomaaliyana isla qaab kan oo kale ah aayay u falcelisey!

Ka dib kolkii shacabka Soomaaliyeed ka dhiidhiyeen warqadda ka soo baxday Wakiilka Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya waxay soo saartay warqad ay si adag ugu cambaaraynayso warqadda ka soo baxday Wakiilka. Cambaarayn uun baa dowlad Soomaaliyeed looga bartay soomaaha? Doorkanse halkaas dowladdu kuma aysan joogine, waxay Wakiilka af buuxda ugu sheegtay in hadda laga bilaabo aan waddanka laga rabin kol haddiiba uu jebiyey habmaamuuskii Qaramada Midoobey, kana tallaabay anshixii dibloomaasiyadda. Waa arrin la yaab leh oo aan looga baran dowlad Soomaaliyeed soomaaha? Haaheey!

Tallaabada Dowladdu miyay khaldanayd?

Isla markii ay dowladdu soo saartay warqadda ay waddanka kaga cayrinayso Haysom, dadka Soomaaliyeed waa ay ku farxeen oo baraha bulshada ayaa ay ku muujiyeen sida ay ula dhacsan yihiin go’aanka geesinnimada leh ee dowladdu qaadday. Shacabku inay arrintan la riyaaqaan waa gartood, saa waxay u barteen dowlado ninka caddaanka ah ee QM ka socda ka haybadaysta oo aan juuq u oran karin, si kasta oo uu u farageliyo arrimaha gudaha dalka. Waa gartood oo dowlad go’aan noocaas ah qaadan karta ma aysan arag! Waa gartood oo waxay ka daaleen faragelinta joogtada ah ee dalka iyo dadka lagu hayo. Waa gartood oo dowladnimo awood leh ayay baahi weyn u qabaan!!

Marka laga yimaaddo badi shacabka Soomaaliyeed oo warqadda dowladda soo dhaweeyey, waxa jira koox aan badnayn oo mucaaradnimada iyo qarannimada kala garan la’, isla markaana la safan Haysom, una barooranaya! Waa arrin amakaag leh soomaaha? Haa, waxase ugu daran marka Xildhibaanno sheeganaya inay Qaranka metalaan soo saaraan warqad ay ku cambaaraynayaan go’aanka dowladda, Haysamka reer Koonfur Afrikana garab ku siinayaan! Waxa kale oo jira dhallinyaro aan badnayn oo khalad fahmey mucaaradadda isla markaana wax kasta oo dowladdu samayso ka hor yimaadda. Kuwaasi ma foga oo keliya waxay u baahan yihiin caqli-celin iyo in la fahamsiiyo farqiga u dhexeeya dowladda iyo xukuumadda markaas jirta. Farqiga u dhexeeya madaxbannaanida iyo faragelinta.

Labo-wajiileynta Qaramada Midoobey

Warqaddii shalay ka soo baxday Wakiilka Qaramada Midoobey waxa ka muuqatey munaafaqad iyo labo-wajiileyn la yaab leh. Waayo? Haysom waxa uu aad uga caraysnaa xiritaankii Mukhtaar Roobow oo aynu wada garanayno waxa uu dalkan ka geystey! Waa nin shalay ay u arkayeen argagaxiso ay tahay in la soo qabto, maantana wakaas Haysom u doodayo isaga oo weliba aan qarsanayn sida uu uga xun yahay xarriga ninkaas argagaxisada ah!

Maxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed?

Ugu danbayntii, go’aanka dowladdu qaadatay waxa laga yaabaa in Qaramada Midoobey aanay jeclaysan. Sidii Koonfurta Suudaan ka dhacday, waxa laga yaabaa inay ku handadaan inay waddankaba ka guuraan! Sidaasi darteed, shacabka Soomaaliyeed waa inay diyaar u ahaadaan ilaalinta madaxbannaanidooda iyo garabsiinta dowladdooda. Waxa inala gudboon inaan ku dadaalno bixinta canshuurta, si aanay Qaramada Midoobey innoogu guumaysan lacagta yar ee ay ina siiyaan! Waa in shacabka Soomaaliyeed u diyaar garoobaan inay waddankooda iyagu gacantooda ku dhistaan, dowladdoodana aanay kala bakhaylin canshuurta iyo lacagaha muhiimka u ah socodsiinta hawlaha dowladda.

Sidii uu hore ugu gabyey abwaankii weynaa ee Qamaan Bulxan “Muslim kuma cabiidsamo wallaan, madaxa kaa goyne,” waa inaan caalamka u sheegnaa inaynaan ku cabiidsami doonin “Wallaan maalka (lacagta) kaa goyne!”

Qore: Safiya Cabdullaahi Garaad

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid