Xeerka diblomaasiyadda iyo qaddarin ka xayuubinta diblomaasi (Sharraxaad))

‘Persona non grata’ waa jumlad Latini ah oo la macno ah ‘Qof aan qaddarin loo heynin ama aan laga soo dhoweyneyn dal uu ergonimo ku joogo’. In kastoo dowladuhu xaq u leeyihiin inay diplomaasi ka ridaan qaddarintii diblomaasiyadeed haddana waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay ciqaabta ugu adag ee ay dowladi diblomaasi ku ridi karto, madaama xeerka aanu dhigeynin in la xiro ama la maxkamadeeyo qof xasaanaddaas leh.

Buug uu sannadkii 1973-kii qoray Professor Gamboa oo cilmiga diblomaasiyadda ku xeel-dheer ayaa Qaddarin ka qaadidda diblomaasiyeed ku macneeyay ‘dareen loo muujiyo diblomaasi aan xushmad looga sii heynin dalka marti-geliyay madaama uu waajibaadkiisa ka gudbay ama inta aanu gaarin qadka cagaaran ee dowladda martigeliysay lagu joojiyo’.
Sida uu qabo xeerka caalamiga ah, diblomaasiga waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay xurmeynta xeerka dalka martida loo yahay, waxaana waajib ku ah inaanu ku xad-gudbin arrimaha gaarka ah ee dalka.

Dowlad kasta waxay diidi kartaa diblomaasi loo soo magacaabay kahor inta aanu dalka imaanin ama marka la aqbalo kaddib, iyadoo ay ku xiran tahay sababaha loo cuskanayo go’aanka.

Goormaa diblomaasiga qaddarinta laga qaadi karaa?

Adeegsiga ‘qaddarin ka qaadista’ ma’ahan mid lala boodo, madaama xeerka caalamiga ah uu ku saleysan yahay daneysi laba-dhinac ah. Dowladaha waxay isku dayaan inaanay adeegsan awooddaas xitaa haddii ay caddeymo u hayaan in diblomaasi uu ku xad-gudbay dalka ama uu galay howl ka baxsan howshii loo igmaday.

Adeegsiga awooddaas waxay sababi kartaa caro diblomaasiyadeed oo ka dhalata, haddii caddeymo qancin kara cidda ergayga soo diratay la helo waxaa dhacda in la beddelo ergayga si xiriirka diblomaasiyadeed uu u sii socdo.

Wakiil Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wali mala eryay?

Bishii July 2004, Madaxweynihii Falastiiniyiinta AUN Yasir Carafaat ayaa karaameynta diblomaasiyeed ka xayuubiyay Terje Rod Larsen oo ahaa diblomaasi Norway u dhashay kaas oo ergay gaar ah Xoghahaya Guud ee Qaramada Midoobay Kofi Annan uga ahaa Ururka Xoreynta Falastiin (PLO) iyo Maamulka Falastiinee Daanta Galbeed iyo Marinka Qasa, kaddib markii lagu eedeeyay ‘Isku day uu magaca kaga dilayay Falastiiniyiinta, isla markaana inuu ku xad-gudbay heshiis u dhaxeeyay maamulka Falastiin iyo Qaramada Midoobay.

Jon Pronk wuxuu ahaa wakiilka gaarka ah ee Xoghayihii guud ee Qaramada Midoobay Kofi Annan ee Sudan. Bishii Oktoobar ee sannadkii 2006 ayay dowladda Sudan ka eriday dalkeeda, kaddib markii ay ku eedeysay inuu ka tegay dhex-dhexaadnimada markii uu ka hadlay arrimo quseeya ciidankeeda oo xilligaa dagaal kula jiray mucaaradka gobolka Darfur. Jon Pronk oo ah diblomaasi u dhashay Holland ayaa xilligaas bog uu leeyahay ku qoray qoraal uu ku sheegayo in mooraalka ciidamada Sudan uu hooseeyo, laba dagaal oo ay galeenna laga adkaaday.

Oktober 2014, Scott Campell oo ahaa wakiilka Xoghayaha Guud ee Arrimaha bini’aadannimada ee Congo ayaa laga eryay dalkaasi kaddib markii uu warbixin dhaleceyn ah ka soo saaray howlgallo ay bilayska dalkaasi ku qaadeen dhallinyaro burcad ah.
Waa wax caadi ah oo aan dhaqanka diblomaasiga ah ku cusbeyn in ergay la eryo, hase yeeshee waxaa dhici karta inay caqabado ka yimaadaan iyadoo ay hadba ku xiran tahay eedeymaha loo jeedinayo diblomaasiga la eryay iyo caddeymaha loo hayo.

W/Q: Tahlil Colaad Xasan
Erfurt, Germany

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid