Muxuu Faarax Macallin ka yiri go’aankii ay Somalia ku cayrisay Nicholas Haysom?

Nairobi (Caasimada Online) – Gudoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya Faarax Macallin Dawaar ayaa ku bogaadiyey Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre go’aankii ay ku eryeen ergeygii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobe u qaabilsanaa Soomaaliya, Nicholas Haysom.

Warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Nicholas Haysom aan laga rabin dalka iyada oo loo sababeeyey go’aankaas in uu ku xad gudbaday habmaamuuskii Qaramada Midoobe iyo waliba madax bannaanida dalka.

Faarax Macallin oo ka falcelinaya go’aankaas ayaa boggiisa Twitter-ka soo dhigay qoraalkan.

“Waa tallaabo weyn oo ay qaadeen Farmaajo iyo Kheyre eryidda Nicholas Haysom. Ugu dambeyn waxa ay si xoog leh ugu caadeeneysaa dhammaan in Soomaaliya ay leeyihiin Soomaalida. Muddo fog, wadanku cid walba ayaa lahayd marka laga reebo Soomaalida. Farmaajo iyo Kheyre nadiifiya Xalane iyo aagga dhaqaalaha ee badda.

Dhinaca kale Faarax Macallin waxa uu qoraalka ugu baqayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre in ay xarunta Xalane si gaar ah ula socdaan waxa ka socda isaga oo adeegsaday “Nadifin” maadama Soomaali badan ay tuhun ka qabaan waxa lagu fuliyo.

Go’aanka lagu eryey Nicholas Haysom ayaa ahaa mid aan hore noociisa loo arag, oo aan laga fileyn dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com