Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo ka hadlay go’aanka DF ee HAYSOM

Muqdisho (Caasimada online) – Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa qoraal kasoo saaray go’aankii dowladda Soomaaliya dalka ay kaga eriday wakiilkii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inaysan taageersaneyn go’aanka dowladda Soomaaliya, dalka kaga racdeysay Nicholas Haysom.

Qoraalka Golaha Ayaa u Qornaa Sidan:

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed (GIDG) wuxuu cambaareynayaa weerarkii fuelynimada ahaa ee shalay, 01 January 2019, kooxaha nabad diidka ah ay ku weeraraan Xarunta Xalane oo saldhig u ah Safaaradaha, Hay’adaha, Ciddanka Nabad Ilaalinta (AMISOM) iyo Beesha Caalamka. Sidoo kale, kooxaha nabad diidku waxay weerar ku qaadeen 22 December, 2018, Xarunta Fanka iyo Dhaqanka Soomaliyeed (Nationa Theatre), halkaas oo ay ku dhinteen muwaadaniyiin fara badan, halka in badanina ay ku dhaawacmeen.

Waxaan sida ugu xoogga badan u cambaareynaa weerarada qaawan ee si joogto ah loola beegsanayo ummadda Soomaaliyeed iyo Howl-wadeenada Beesha Caalamka.

Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa ka weecatay Masuuliyaddii shaqo ee loo doortay oo ahayd Xasilinta iyo Sugidda Amnigu ugu horeeyo, kuna beddelatat ismaandhaaf siyaasadeed oo joogto ah iyo faragelin aan Dastuuri ahayn oo ay ku hayso Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed sida dhacdadadii ka dhacday Magaalada Baydhabo taas oo faragelintii lagu sameeyey ay ka dhalatay dhimasho, dhaawac iyo barakac dadweyne, dadkaas oo ka hor yimid faragelinta guracan.

Goluhu, wuxuu soo dhoweynayaa, si buuxdana u taageerayaa qoraalkii Beesha Caalamka (30 December 2018), gaar ahaan Xafiiska Ergeyga Xoghayaha Qaramada Midoobay (SRSG), ee ahaa xaqiiqa raadinta falkii ka dhacay Baydhaba iyo ciddii Masuuliyadeeda lahayd. Waxaa nasiib darro ah, in qoraalkii xaqiiqa raadinta ahayd looga jawaabay, si Masuuliyad darro ah, oo aad uga fog Danta Dadka Soomaaliyeed.

Goluhu markii uu arkay marxalada Amni iyo Siyaasadeed ee uu marayo dalku ayuu si buuxda uga soo horjeestay war saxaafadeedkii ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliya 01 Jan, 2019 ee Dalka looga eryey Ergayga Qaramada Midoobay Mudane Nicholas Haysom, waxuuna Golaha Iskaashigu ku tilmaamayaa go’aan lagu fududaaday. Ugu danbayn Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadu wuxuu ka codsanayaan Beesha Caalamka in aan la joojin taagyeerada ay u fidiyaan shacabka Soomaliyeed oo ku jira marxalado adag. Sidoo kale, wuxuu Goluhu xusuusinaya Guddiga Arrimaha Dibedda ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya in ay arrintan si taxdar leh wax uga qabtaan.

Caasimada Onine
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com