CC Shajkuur oo shaaca ka qaaday arrin muhiim ah oo uu ballan-qaaday R/W Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa  shaaciyey in Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble uusan muddo kordhin rabin, kadib markii uu saaka kulan kula qaatay Villa Somalia.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si weyn u dhaliila dowladda federaalka ah ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa haddana si weyn u bogaadiyey ra’iisal wasaaraha cusub.

Siyaasiga ayaa ku sifeeyay Rooble mas’uul ay ka go’antahay sidii xiligeeda ugu qabsoomi laheyd doorashada dalka, oo muddooyinkii dambe abuurtay jahwareer siyaasadeed, hase yeeshe heshiis kama dambeysa ah laga gaaray.

Sidoo kale waxa uu xusay in ra’iisal wasaaraha cusub uu dadaal badan ku bixinayo sidii uu iskugu hayn lahaa mucaaridka iyo muxaafidka, kadib markii uu shalay ku booqday Villa Somalia, oo uusan tagin muddo sanado ah.

“Waxaan uga mahadcelinaya Raysalwasaaraha kalsooni gelinta ku aaddan in uusan doonaynin wax muddo kordhin ah, daddaal walbana uu isugu gaynayo sidii doorshada xilligeeda ugu qabsoomi lahayd, iskuna deyi doono in uu dadka u sinaado” ayuu yiri.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa ku soo aadaya xili uu dalku marayo marxalad xasaasi ah oo kala-guur ah, oo u baahan in taxadar badan lagu maamulo, iyada oo ay hortaalo fulinta heshiis uusan waxba ka ogeyn oo lagu gaaray magaalada Muqdisho.