Hay’ada IMF oo faro-gelisay adeegga lacagaha mobile-ka Somalia, amarna siisay DF

Washington (Caasimada Online) – Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa ka dalbatay dowladda Soomaaliya inay dedejiso diiwaan-gelinta shirkadaha ka shaqeeya lacagaha la isugu diro mobile-ka ee Soomaaliya, si sharci loogu sameeyo qeybta lacagaha mobile-ka.

IMF ayaa bayaan ay soo saartay Khamiistii, kadib wada-hadallo socday toddobaad oo ay la yeelatay mas’uuliyiinta Soomaaliya, ku sheegtay in loo baahan in la xaqiiyo diiwaan gelinta shirkadaha lacagaha mobile-ka, taasi oo ay sheegtay inay muhiim u tahay ka hortagista lacagaha sharci-darrada ah iyo been xalaaleynta lacagaha.

“Howlgalka IMF wuxuu mas’uuliyiinta ugu baaqay inay dedejiyaan diiwaan gelinta shirkadaha lacagaha mobile-ka, si taasi ay horey ugu dhaqaajiso sharciyeynta lacagaha mobile-ka,” ayaa lagu yiri bayaanka IMF.

IMF waxay intaas ku dartay inay isku raaceen dowladda Soomaaliya nidaam cusub oo xaqiijin doona daah-furnaan ayada oo la diiwaan-gelinayo shirkadaha.

Bankiga Adduunka ayaa warbixin uu soo saaray 2018 uga digay in maqnaanshaha qaab sharciyeed lagu xakameynayo adeegga lacagaha mobile-da ay khatar ku tahay dhaqaalaha, sababo la xiriira saameynta ay yeelan karto haddii ay shirkadaha lacagaha mobile-da ay burburaan.

Sida uu sheegay Bankiga Adduunka, 155 milyan oo jeer ayaa bishii gudaha Soomaaliya lacagaha la isku dhaafsadaa mobile-da, taasi oo qiimo ahaan gaareysa 2.7 milyan oo dollar, inkasta oo la rumeysan yahay in lacagta ay intaas aad uga badan tahay.