Waa kuma agaasimaha cusub ee Farmaajo u magacaabay warfaafinta madaxtooyada?

Muqdishxo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay afhayeenkiisa cusub ee agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya.

Qoraal Ingiriis lagu qoray oo lagu baahiyey barta Madaxtooyada Soomaaliya ee Twitter-ka ayaa lagu shaaciyey magacaabidaan iyadoo lagu shegeay in Cabdirashiid Maxamed Xaashi loo magaacaabay Agaasimaha cusub ee Warfaafinta Madaxtooyada, isagoo hore u ahaa ku xigeenka Agaasimaha.

Xilka waxaa dhowaan banneeyay Cabdinuur Maxamed oo noqday Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada, siina wada xilka agaasimaha markii uu xilkaasi banneeyay Dr. Nuur Diiriye Fuursade oo xilka uga tegay khilaaf dhex maray Madaxweyne Farmaajo.

Agaasimaha cusub ee Warfaafinta Madaxtooyada C/rashiid Maxamed Xaashi ayaa xilka agaasime ku xigeenka Warfaafinta Madaxtooyada July 2019, wuxuuna hore uga howlgeli jiray Diiwaan Films oo baraha bulshadana ku faafin jirtay muuqaallo lagu taageerayo Madaxtooyada.

Agaasimihii hore ee waaxda warfaafinta Cabdinuur Maxamed ayaa u rajeeyay agaasimahan cusub in xilkiisa uu Alle u fududeeyo.

“Waxaan Agaasimaha cusub u rajaynayaa guul iyo inuu masuuliyaddiisa u guto si xilkasnimo leh, aniga oo Ilaahay uga baryaya inuu u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday” ayuu yiri Cabdi Nuur Maxamed Axmed oo ah agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Somalia.