Maxaa looga hadlay kulankii Mursal iyo Axmed Madoobe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulan la qaatay madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe.

Kulankaasi oo ka dhacay hoyga uu Mursal ka degan yahay magaalada Muqdisho, ayaa waxa looga hadlay arrimaha badan oo la xiriira arrimaha doorashooyinka dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaasi ayaa waxa diirada lagu saaray xaalada siyaasadeed ee dalka iyo sidii uu baarlamaanku u meel-marin lahaa heshiiskii doorashada ee lagu gaaray Villa Somalia.

Kulankaasi ayaa sidoo kale waxay labada mas’uul kaga wada-hadleen marxalada kala guurka iyo ka wada-shaqeynta sidii looga dhabeyn lahaa doorasho loo dhan yahay.

Mursal ayaa ugu dambeyntiina uga mahad celiyay Axmed Madoobe, doorkii uu ka qaatay geedi socodka dowladnimada iyo ka qeyb-galida shirkii heshiiska kama dambeyska ah looga gaaray arrimaha doorashooyinka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo uu maalmihii u dambeeyay magaalada Muqdisho uu ka waday madaxweynaha Jubbaland, isagoona shalay la kulmay ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka.

Axmed Madoobe iyo madaxda maamulada kale ee dalka ayaa weli ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo waday olole ay ku rabeen ‘in la meel-mariyo heshiiskii dhawaan lagu gaaray Villa Somalia’.