Guddoonka BF oo soo saaray farriin la xiriirta heshiiskii laga gaaray doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka baarlamanka Soomaaliya ayaa farriin uu u diray xildhibaanada si rasmi ah ugu sheegay in maalinta berri loo codeyn doono heshiiska doorashada ee ay gaareen madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada dalka.

Fariinta uu maanta guddoonka u diray xildhibaanada ayaa lagu yiri: “Mudane xildhibaan berri oo Sabti ah, taariikh 26 September, waxaa jira kulan wadajir ah oo labada gole ee BFS. Ajendaha: 1. U Codeynta heshiiska siyaasadeed ee jihaynta doorashada xildhibaanada BFS ee 2020/21. Saacadu waa 09:00 subaxnimo.”

Inkasta oo wax kasta ay ka iman karaan kulanka, ayaa haddana wararka aan heleyno waxay sheegayaan inay u badan tahay in xildhibaanada ay meel-mariyaan heshiiska, si dalka ugu dareero doorasho.

Dhowaan ayaa Saddex ka mid ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, oo kala ah; Qoor Qoor, Lafta-gareen iyo Saciid Deni waxay ka tageen magaalada Muqdisho, kadib markii ay meesha ka baxday cabsidii ay ka qabeen in baarlamanka uu diido inuu ansixiyo heshiikii ay la galeen Villa Somalia.

Madax goboleedyada ayaa Muqdisho ku sugnaa tan iyo markii ay heshiiska doorashada la galeen Villa Somalia 17-kii September, ayaga oo waday olole ay xildhibaanada taageero uga raadinayaan inay heshiiska saxiixaan.

Waxay rumeysnaayeen ama ka cabsi qabeen in Villa Somalia ay heshiiska ku fashiliso baarlamanka, oo halkaas lagu diido, inkasta oo aysan jirin, sida la rumeysan yahay, wax qorshe ah oo madaxtooyada ay arrintaas ka leedahay.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in madax goboleedyada ay hadda u muuqatay in heshiiska uu haysto taageero xooggan lana ansixin doono marka la horgeeyo baarlamanka, maalinta Sabtida ah.